4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
INJ. FAYSAL: "Khilaafka Madaxda Somalia Waa mid ka dhashay Maamullada"


Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay khilaafka madaxda Soomaaliya u dhexeeya ayaa sheegay inuu yahay mid ka dhashay maamul-goboleedyada badan ee Somalia laga dhisayo.

Waraabe ayaa wareysi uu siinayay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ku sheegay in khilaafyada noocan oo kale ah ay ka shaqeynayaan dad doonaya in Somalia ay dhibaatada ku sii jirto oo aanay dani ugu jirin dowladnimo ka dhalata Soomaaliya.

“Khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia u dhexeeya waa mid salka ku haya dhismaha maamul-goboleedyada faraha badan ee laga dhisayo Soomaaliya, mas’uul walbana wuxuu doonayaa inuu helo mid isaga taageersan,” ayuu yiri Faysal Waraabe,

Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inay jiraan dad u kala sheekeynaya labada mas’uul, kuwaasoo aanay dani ugu jirin in Soomaaliya ay noqoto dal xasilloon oo ay nabad iyo dowladnimo ay ka jirto.

“Anigu waxaan qabaa inay jiraan dad labada dhinac u kala sheekenynaya oo aan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya. Mar walba oo la is-yiraahdo is-bedel ayaa muuqda waxaa uun lasoo sheegayaa dhibaato, marka habka lagu socdo oo dhan ayaa qaldan ayaan is-leeyahay,” ayuu Faysal Waraabe ku daray hadalkiisa.

Faysal ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka jitra Soomaaliya iyo khilaafyada soo laalaabtay, isagoo xusay in xilligan ay ahayd markii dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan wax loo qaban lahaa.

“Waxyaabaha aan aadka uga xumahay waxaa ka mid ah in madaxdii magaca Soomaaliyeed darajada ku gaaray inay khilaafyo joogto ah soo dhex-galaan intii ay ummaddooda wax u qaban lahaayeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha UCID ayaa ku taliyay in shir weyn loo qabto Soomaaliya, si looga baxo khilaafyo dambe oo soo laabta, isagoo ku boorriyay madaxda dowladda in ma’suul walba uu awooddiisa oo keliya ku dhaqmo oo aanu faragelin awoodda mas’uulka kale, iyagoo raaca dastuurka dalka u yaalla.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya iyadoo toddobaadkan uu dibadda u soo baxay khilaaf muddo qarsoonaa oo u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh oo hal sano oo keliya xilka hayay, kaasoo xooggiisa ka dhashay sad-bursi salka ku haya awoodda dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya