4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
Somalia oo Shir Caalami ah uga Qayb-galaysa Xarunta dalka Kenya ee Nairobi

Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa shir heer caalami ah oo lagu qaban doono magaalada Nariobi ee xarunta waddanka Kenya berri ka qaybgalaysan, kaasoo la filayo inay kasoo qaybgalaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku mateli doona wasiirka arrimaha dibadda iyo maal-gashiga Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wafdi uu hoggaaminayo.

“Xoghayaha guud ee Qaramada Midoowe Ban ki-Moon iyo madaxweynaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim ayaa la filayaa inay kasoo qeyb galaan shirkan,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo lagu magacaabo Edwin Limo.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in shirkan looga hadli doono ammaanka iyo horumarinta dalalka Bariga Afrika, iyadoo ay ka qaybgeli doonaan xubno ka socda dalalka, Jabuuti, Kenya, Itoobiya Koonfurta Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, ururka Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa inay iyaguna kasoo qaybgalaan shirka, si ay kor-joogto uga noqdaan waxa looga hadlayo shirka.

Edwin Limo ayaa intaas ku daray dalalka Afrika ee ay Soomaaliya ku jirto ay ay kusoo bandhigi doonaan shirka caqabadaha ka haysta xasillooni-darrada ka jirta dalalkooda.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa xusay in kulanka si gaar ah diiradda loogu saari doono dhibaatooyinka ka jira dalal kala ah Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo ay colaado ka jiraan.

Maalinta berri ah oo ay ku beegan tahay bishan 29-ka ayaa ah markii xukuumadda Somalia ay sheegtay inuu Muqdisho imaanayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya