4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
Xisbiga Midnimo Qaran oo ka Hadlay Khilaafka Madaxweynaha & RW Somalia


Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Xisbiga Midnimo Qaran oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalka ka jira ayaa ka hadlay khilaafka soo dhex-galay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa.

XMQ ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu khilaafkan soo if-baxay ee u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu walwal weyn ku hayo, ayna u akraan inuu caqabad ku yahay midnimada iyo dib-u-dhiska dawladnimada Soomaaliya.

“Khilaafkaan wuxuu niyad-jab ku yahay shacabka Soomaaliyeed ee daafaha dalka ku dhibaateysan iyo bulshada calaamka ee kaalmeynta Soomaaliya u heellan. Sidoo kale, khilaafku wuxuu wiiqayaa in la dhameystiro qorshaha lagu doonayo in lagu gaaro Hiigsiga Cusub ee 2016-ka iyo dimoqraadiyeynta dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu xisbigu soo saaray.

XMQ ayaa qoraalkiisa ku xusay in khilaafkan uu khilaafka joogtada noqday ee soo dhex-gala madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga soo bilaabo sannadkii 2000 ay ula muuqato in xal kama dambeys ah oo dastuuri ah loo helo.

“Baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha wasiirrada xukuumadda waxaan ku baraarujineynaa inaysan la kala safaan labada ma'suul oo ay taageeraan sarreynta sharciga oo kaliya,” ayuu XMQ ku yiri war-murtiyeedkiisa.

Sidoo kale, XMQ wuxuu ka digayaa adeegsiga xallinka khilaafkan dhaqanka soo jireenka ahaa sida is-iscasilaadda wasiirada iyo abaabulida mooshinada.  Adeegsiga dhaqanka noocaas ahna ma keenin xal laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo khilaafyo noocan ah soo taxnaayeen, haddana ma keeni karaan wax xal ah.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqeynaa buu yiri XMQ shacabka Soomaaliyeed midnimo, baarlamaanka sharci-dhawrid, xukuumaddana hawl-gudasho, madaxweynahana ilaalinta dastuurka iyo midnimada qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya