4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Shirkii Golaha Wasiirrada oo looga dooday kor u qaadidda Miisaaniyadda Dowladda (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen gabbal-dhicii maanta uuna shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayay kaga doodeen arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin; ammaanka dalka, miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2015-ka, iyagoo isla kulan warbixin kaga dhageystay hanti-dhowrka guud ee Qaranka.

Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo, kaddib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo amniga oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in gacanta lagu soo dhigay sagaal xubnood oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan iyo gaadiid ay dhibaataynta bulshada u adeegsan jireen.

Sidoo kale, wasiirrada ayaa warbixin ku aaddan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka dhageystay, iyadoo lagu xusay in la diyaariyay qorshe kor loogu qaadayo miisaaniyadda dowladda ee sannadka soo socda 2015-ka.

 

"Wasaaradda maaliyaddu waxay diyaarisay qorshe ku aaddan sidii kor loogu qaadi lahaa miisaaniyadda dowladda, qorshahan waxaa qayb ka noqonaya sida ugu habboon ee dakhliga gudaha iyo kaalmada dibadda dowladdu ay ka hesho kor loogu qaadi lahayd," ayuu yiri wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane oo kulanka ka hadlay.

Ugu danbeyn, golaha wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna soo bandhigay shaqadiisa iyo sida ugu habboon ee xukuumadda iyo Hanti-dhowrku iskula jaan-qaadi karaan.

Xukuumadda uu hoggaaminayo, C/weli Sh. Axmed, ayaa wadda qorshayaal sal-ballaaran oo kor loogu qaadayo howlaha adag ee horyaala xukuumadda iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya