4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo wada Mooshinno iska soo Horjeeda


Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa Muqdisho ka billaabay mooshinno iska soo horjeeda, waxayna arrintan muujinaysaa in xubnuhu ay la kala safteen madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed oo khilaafkoodu uu dibadda u soo baxay Sabtidii lasoo dhaafay.

Mudanayaashan ayaa mooshinnadooda siyaabo kala gooni-gooni ah ugu diyaarinayaan hoteello ku yaalla Muqdisho, iyadoo hoteellada Muqdisho si weyn looga dareemayo buuq badan, iyadoo lagu arkayo xildhibaanno iyo siyaasiyiin dabada ka riixaya mooshinnadan.

Sidoo kale, mudanayaashan ayaa leh kulammo aan loo kala kicin illaa iyo maanta, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu helo aqlabiyadda golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay ugu guuleystaan hadafkooda siyaasadeed oo salka ku haya sad-bursi dhinaca awoodda ah.

Xubnahan ayaa waxay dhinac walba u cuskanayaan mooshinka uu wado qaar ka mid ah qodobbada dastuurka dalka, iyadoo tani ay xusuusinayso shacabka Soomaaliyeed markii uu taagnaa khilaafkii soo dhexgalay Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon.

Khilaafyada soo dhexgala madaxda dowladda Somalia ayaa intooda badan salka ku haya sad-bursi dhinaca awoodda ah; iyadoo xildhibaannada baarlamanka lagu eedeeyo inay ka faa’iideystaan xilliyada ay taagan yihiin khilaafyadan noocan oo kale ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ka hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in khilaafka madaxda dalka lagu dhameyn doono hab dastuuri ah, isagoo xildhibaannada uga digay inay khilaafka jira faraha la galaan, ayna u adeegaan danta Qaranka oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu uu mid walba ku adkeysanayaan halka uu arrintan ka taagan yahay, iyadoo lagu guul-darreystay dadaallo lagu soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee dowladda ugu sarreeya.

Xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa saxmad fara badan, iyadoo ay ku qulqulayaan xildhibaanno iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, kuwaasoo doonaya inay khilaafkooda ka faa’iideystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya