4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRW oo eedeyn u jeedisay dowlada Nigeria

Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch ayaa ku eedeysay xukuumada dalka Nigeria inay ka gaabisay inay baaritaan fog ku sameyso afduubka gabdhaha ka badan 200 oo ay afduubtay kooxda Boko Haram.

HRW waxay sheegtay in booliiska Nigeria aanay aad u daneyn maclumaadkii ay bixiyeen gabdhihii kasoo baxsaday Boko Haram, kuwaasoo qayb ka ahaa gabdhihii la afduubay bishii Abriil ee sannadkan.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay inay la hadashay qaar gabdhahaas ka mid ah oo soo baxsaday, kuwaasoo si qota dheer uga warramay wixii ay kala kulmeen afduubkii ay kooxdu ku qabsatay.

Warbixinteeda ayay hay’addu ku sheegtay in la rumaysan yahay in 500-ruux oo haweeen ah ay afduubatay kooxda Boko Haram tan iyo 2009-kii, markaa oo ahayd markii ay Nigeria ka billaabeen dagaallada xooggan iyo qaraxyada ay k geysanayaan goobaha ay dowladdu maamusho.

Qaar ka mid ah haweenkan ayay hay’addu sheegtay inay dib ugu soo laabteen dadweynaha iyagoo uur leh, taasoo ku keentay dhibaato dhinaca maskaxda ah, maadaama ilmaha ay ku wadaan calooshooda aysan ahayn kuwo leh aabbayaal la yaqaan.

Dowladda Nigeria ayaa dhawaan shaacisay inay heshiis xabad-joojin ah la gashay kooxda Boko Haram, isla markaasna uu jiro qorshe ah in ay soo dayso gabdhaha afduubka lagu qabsaday oo maqan in ka badan lix bilood.

Eedeynta dowladda Nigeria loo jeediyay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo loo HRW ay u jeediso xukuumadda dalkaas tan iyo markii ay dagaallada xooggan ee Boko Haram iyo xukuumadda dalkaas u dhexeeya billowdeen, iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay dowladdu ka bixisay eedeyntan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya