4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Dowladda oo kordhisay cafiskii loo fidiyay xubnaha kasoo baxaya Al-shabaab

Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muddo ku dartay cafiskii ay u fidisay xubnaha kasoo goosta Al-shabaab ee kusoo biira dowladda, sida uu maanta madaxweynuhu kaga dhawaaqay Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddo 60-casho ah lagu kordhiyay waqtigii ay dowladdu u qabatay xoogagga Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda, wuxuuna xusay in dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ay haystaan fursad kale oo ay isku soo dhiibi karaan.

“Dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab fursado kale ayay haystaan si ay uga soo baxaan dagaallada ay ku jiraan, waxaana qof walba oo dowladda isku soo dhiiba uu heli doonaa daryeel iyo la baro xirfado uu ku noolaado,” ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan uu la yeeshay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM.

Muddo kordhintan ayaa imaanaysa xilli ay xukuumaddu ay horraantii bishan Oktoobar sheegtay in 503 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan ay dowladda isku soo dhiibeen ayna sidoo kale wadahadallo kula jiraan 153 xubnood oo kale.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa horay u sheegay in goobo badan oo dalka ka mid ah ay xubnaha Al-shabaab ka tirsan iska dhiibeen, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ay ku doonayso inay ku badbaadiso sida ay sheegeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhamaanaya dagaallada ay qaybta ka tahay Al-shabaab.

Inkastoo Al-shabaab aysan weli ka haldin boqolaal ruux ee ay dowladdu sheegtay inay kasoo goosteen oo ay kusoo biireen dhankooda ayaa haddana la ogeyn waxay soo kordhin karto muddo kordhintan ay dowladdu mar kale ku dhawaaqday.

Al-shabaab ayaa weli kula dagaalamaysa ciidanka dowladda iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM gobollo ka tirsan Soomaaliya, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaanno muhiim ah xilliyadii u dambeeyay kala wareegeen kooxdan ku xiran Al-Qaacida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya