4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Mucaaradka oo ka hadlay baaqashadii Kulankii Golaha Wakiillada Somaliland

Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADANI iyo UCID ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso in muddo kordhin loo sameeyo, isla markaana carqaladaynayso in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeedii.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo xoghayaha guud ee xisbiga Wadani ayaa warbaahinta maanta kula hadlay xafiiska Xisbiga Waddani ee Hargeysa, waxayna si wada jir ah madaxweynaha ku eedeeyeen inuu rabo muddo kordhin.

“Dagaalka halkan ka socda ee Somaliland ka socdaa, maaha mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay ishayaan doorashadoonka Somaliland oo xal doon ah iyo Doorasho diidka Somaliland oo Xal la’aan inagu wadda, xal la’aantana hore ayaynu u aragnay.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wax ka bedelka xeerka ay ku doodayaan xildhibaanadda muxaafadka ahi.

“Wakiillada waa la isugu yeeray, shir baa la qabtay maxay u diidayaan may waxay hayaan halkaas ka sheegaan?, maxay u diidayaan in la Ansixiyo Komishanka la magacaabay ee loo lugaynayaa? waxa meesha ka socdaa waa inaan doorasho dalkan ka dhicin oo faraha la iskula tago laakiin,umadda waxaanu ugu baaqaynaa nabad galyadaas ay inoogu yimaadeen inay inagaga tagaan oo aynu ilaashano” ayuu yidhi Mr Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda muxaafadka ah ee golaha Wakiiladda ayaa gudoomiyaha golahoodda ku eedeeyey inuu ka war wareegayo inuu saxo wax ka bedelka uu kaligii ku sameeyey sagaal qodob oo ka mid ah xeerka diiwaangelinta Madaniga ah oo golaha Guurtidda loo bedelay.

Labadda gudoomiye ku xigeen ee wakiilada ayaa xusay in gudoomiyahoodu illaa hadda aanu qancin xildhibaanadda sababta uu wax uga bedelay xeerka diiwaagelinta ee caqlabiyadda u ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiiladda.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa xusay inuu kaligii xeerkaasi diiwaangelinta wax ka bedelay, isla markaana sagaal qodob oo ka mid ah xeerkaasi uu wax ku darsaday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland