4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Madaxweyne Xasan oo la kulmay saraakiisha dowlada & AMISOM (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay wasaaradda gaashaandhiga saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo intooda badan looga hadlay howlgalka ka socda qaybo dalka ka mid ah ee loogu magac-daray Badweynta Hindiya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maman Sidikou, taliyaha AMISOM Silas Ntigurirwa, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe), abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil kale, iyadoo kulankan looga hadlay sidii loo dar-dar-galin lahaa howlgalka socda iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Xasan Shiikh oo sarakiisha la kulmay khudbad u jeediyay ayaa ku amaanay guulaha ay ka gaareen howlgallada waddanka ka socda, isagoo tusaale u soo qaatay qabsashadii degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay wax u qabashada ciidamada ku dhaawacma difaaca dalka iyo ubadka kuwa ku geeriyooda difaaaca dalka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale kormeer ku tagay isbitaalka xoogga oo ay ku jiraan askar ka tirsan  ciidamada dowladda oo dhaawacyo ay kasoo gaareen dagaalladii gobollo dalka ka tirsan, isgaoo warbixin ka dhageystay maamulka iyo howlwadeenada isbitaalka.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen. C/risaaq Khaliif ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkan ay ciidamadu isbahaysanaya ay ku guuleysteen in ay gacan ku dhigidda degmooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin; Baraawe, Jalalaqse, Buulo-mareer, Cadale, Kudhaa iyo kuwa kale.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa isaguna tilmaamay in howlgallada kan dhanka ah Al-Shabaab ay bar-bar socdeen dhismaha guud ee ciidamada dalka, ayna sii xoojin doonaan.

Ugu dambeyn, saraakiisha AMISOM oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay gacan ku siiyaan ciidamada dowladda inay ka saaraan Al-shabaab deegaannada ay gacanta ku hayaan, iyagoo sheegay in taasi ay horseed u noqon doonto sidii dowladnimada iyo amniga Somalia uu dib ugu soo noqon lahaa.

Kulanka madaxweynuhu maanta la leeyahay saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu jiro khilaaf aad u xooggan oo salka ku haya awoodda dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya