4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Afhayeenka Baarlamaanka oo Baydhabo Kula Kulmay Odayaal Dhaqameedyo

Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta shirar kala duwan kula yeeshay Baydhabo mas’uuliyiin iyo odayaal-dhaqameedka gobolka Bay, kuwaasoo u yimid magaalada inay wax ka dhisaan maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale maanta soo gaaray xildhibaano kasoo jeeda Koonfur-galbeed iyo qurbo-joog fara badan, iyadoo saacadaha soo socda la sugayo inuu Baydhabo soo gaaro xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan oo doonaya inuu isku soo sharxo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol.

Sidoo kale, waxaa barbar socda bannaanbaxyo ay soo qaban-qaabinayeen taageerayaasha, Madoobe Nuunoow Maxamed, kaasoo looga soo horjeedo maamulka saddexda gobol, taasoo la filayo in maalinta berito ay sameeyaan bannaanbax weyn oo loogu soo horjeedo maamul sameynta.

Hiiraan Online, Baydhabo