4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Horumarinta Dalalka Bariga Afrika oo lagu bixinayo lacag Balaayiin doollar ah

Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 8-billion oo doollar u ballan-qaaday dalalka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.

Dalalka lacagtan wax looga qabanayo ayaa waxaa ka mid ah Kenya, Ertirea, Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo xubnuhu ay sheegeen in dalalkan ay qabaan dhibaato dhinaca faqriga ah.

Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa dib u dhiska, caafimaadka waxbarashada, shaqo abuurista iyo tababarrada shaqaalaha dhowrka sano ee soo socoda.

“Waddamada Geeska Africa ayaa waxaa saameyn ku yeeshay colaadaha ka jira iyo faqriga oo gun-dhig u ah dagaallada dalalkan qaarkood ka dhacay,” ayaa lagu yiri warbixin ay hay’adahan si wadajir ah u soo saareen.

Sidoo kale, bangiga hormarinta Islaamka ayaa ballan-qaaday lacag gaaraysa hal bilyan oo doollar, taasoo wax looga qabanayo horumarinta dalal ay ku jirto Somalia, ayna ku jiraan Uganda iyo Koonfurta Suudaan.

Ballanqaadyadan dhaqaale ayaa waaxay kusoo beegmayaa iyadoo madaxda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegeen inay dib u dhisayaan Somalia si ay dalka u gaarsiiyaan horumar iyo doorasho xor ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya