4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 27, 2014
Shirka dhismaha Maamulka Koofur-galbeed oo Maanta ka Furmaya Baydhabo


Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Shir lagu dhisayo maamulka koonfur-galbeed Somalai ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo furitaanka shika uu u tagay halkaas guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale inuu soo xiro shir kale oo dib u heshiisiin ah oo bishii hore uu ka furay Baydhabo, kaasoo ay ka qayb-galeen wax-garadka gobollada maamulka loo sameynayo ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Kulanka maanta furmaya ayaa lagu wadaa in looga hadlo sameynta dastuur uu yeesho maamulkan iyo doorashada madaxweynaha maamulkan marajaha u qaban lahaa, iyadoo ay xubno badan u taagan yihiin xilka madaxweyne ee maamulkan.

Xubnaha aadka loo hadal hayo inay xilkan qaban doonaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xubnihii horay u aasaasay maamulkii saddexda gobol ee dhaliyay khilaafaadka maamul oo weli ka taagan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, amniga degmada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo lagu arkay gudaha degmadaas ciidammo fara badan oo Somali iyo Ethiopian ah, kuwaasoo ilaalo xooggan ka haya xarunta uu shirka ka furmayo iyo qaar ka mid ah goobaha muhiimka ah ee Baydhabo.

Dhismaha maamulkan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Baydhabo uu weli ka socdo khilaaf xooggan oo u dhexeeya maamulka lixda gobol iyo kii hore oo la doonayo in isbedel lagu sameeyo.

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu ka qayb-galayo furitaanka shirka maamul u sameynta gobollada Koonfureed, inkastoo taas aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya