Khamiis, 23 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Kulan ay maanta isugu yimaadeen madaxda rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Jubooyinka (JCCI) ayay ku beeniyeen warbixin ay dhawaan soo saartay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka cunaqabateeynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteria, taasoo ku eedeeysay ganacsatada Jubooyinka in ay dhoofiyaan dhuxusha soona dejiyaan hub.
Ganacsatada ayaa sheegtay in warkaasi yahay mid been abuur ah islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen in aysan jirin ganacsi la xiriira dhuxul ama hub oo waqti xaadirkan Kismaayo ka socda.
Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubooyinka Shaafi Raabi Kaahin oo ugu horeyn hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in ka ganacsato ahaan ay aad uga xunyihiin warbixinta ay soo saartay kooxda Monitoring Group ee ay ku eedeeysay ganacsatada Jubooyinka in ay dhuxusha dhoofiyaan, hubna kasoo dejiyaan dekedda Kismaayo.
Masuulkan ayaa sheegay in aysan dhuxul waqti xaadirkan ka dhoofin dekedda Kismaayo, waxa uuna beeniyay in ganacsatada Kismaayo ay ku lug leeyihiin ganacsi la xiriira dhanka hubka.
"Anagu ma garaneeyno meel laga keenay ganacsatada Jubooyinka ayaa dhuxul dhoofisa ama hub soo dejisa, waa wax aan aad ula yaabannahay, mana garan karno ujeedada laga leeyahay," ayuu yiri Shaafi Raabi oo warbaahinta la hadlay.
Dhammaan ganacsatadii ka hadashay goobta ayaa si isku mida u beeniyay warbixinta ay soo saartay kooxda dabagalka cunqabateynta hubka ee dalka Soomaaliya iyo Erateria, waxayna ugu baaqeen in ay baaritaanno ku sameeyaan aadna uga fiirsadaan warbixinnada ay soo saarayaan.
Dhawaan warbixin dheer oo ay soo saartay kooxda Monitoring Group ayay uga hadashay arimo badan oo la xiriira cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Erateria, waxaana ay kooxdu ku eedeeysay ganacsatada Kismaayo in ay dhuxusha dhoofiyaan islamarkaana hub soo dejiyaan.
..........
Xasan Nuuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Ganacsatada Jubbooyinka oo si adag u beeniyay Warbixintii Monitoring Group
More News
- FAAH FAAHIN: socdaalkii madaxweynaha ee magaalada Beledweyn (Sawirro)
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Baladweyn
- Qaramada Midoobay oo ka hadashay badmaaxin lagu haysto dalka Somalia
- Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray degmada Ceelbuur
- Xukuumadda oo Shaacisay in ay Shidaal ku soo Saarayso Lix Sano Gudahood
- Dowladda oo sheegtay inaan dalka la keeni karin Ciidan ka socda Sierra Leone
- Amnesty oo uga digay Netherlands in ay dib u celiso Qoxootiga Soomaaliyeed
- Guddiga Amniga Qaranka oo Go'aanno kasoo saaray kulan ay Xalay yeesheen