Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay dad lagu soo eedeeyey inay qorshaynayeen in falal ammaanka liddi ku ah ka geystaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Dadkaas oo ay tiradoodu afar qof tahay, waxaa xilligan su'aalo lagu weydiinayaa gudaha Doolow sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee maamulka KMG ah ee Jubba Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in raggaasi qorshaynayeen inay qarxiyaan buundo ku taalla Dolow iyo weliba xarun hay'ado ka tisran Qaramada Midoobay degmadaas ku leeyihiin.
Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in warbaahinta dib looga soo gudbin doono faah faahin dheeri ah, marka uu soo gaba gaboobo baaritaanka afartaas eedaysane lagu wado.
Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli saqdii dhexe ee xalay dagaal khasaare nafeed oo badan dhaliyey ku dhex maray duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba ciidamada maamulkaas iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-shabab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidho, Soomaaliya
Afar Ruux oo la sheegay inay Qaraxyo Qorsheynayeen oo lagu qabtay Doolow
More News
- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo laga masaafuriyey dalka Itoobiya
- Arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Turkiga oo looga shakiyay Cudurka Ebola
- Gobolka Hiiraan oo laga soo dhaweeyay hirgelinta xafiiska Hay'adda Shabeelle
- Dowladda Somalia oo Gar-gaarkii ugu Horreeyay Gaarsiisay Degmada Cadale
- Jaamacadda SIMAD oo Maanta Shahaadooyin Master ah Guddoonsiisay Arday
- Wajigii labaad ee ka-hortagga Gudniinka fircooniga ah oo Muqdisho ka Furmay
- SH. SHARIIF: Xaalka Somalia Xog-ogaal uma ihi waxaana ku jiraa Waxbarasho
- Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo Maanta booqday Dhaawacyo
- Toban Hindise Sharciyeed oo Maanta loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya
- Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo dhawaantan la billaabi doono
- Al-shabaab oo Gobolka Shabeellada Hoose ku dilay wiil ay ku eedeeyeen Sino
- Maamulka Jubba oo sheegay inay Caawinayaan Beeraleeyda Gobolka J/Hoose
- Ra'iisul wasaare C/weli oo Muqdisho kusoo laabtay kana hadlay cudurka Ebola
- Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Luglow oo gobolka Jubada hoose ka tirsan