Axad, Oktoobar 12, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo wata gaari ayaa ku dhaawacay Muqdisho barqonimadii maanta wariye ka tirsnaa telefishinka af-Soomaaliga ku hadla ee Somali Channel iyo macallin ka tirsanaa kuwa wax ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black) iyo macallinka oo Maxamed Yuusuf lagu magacaabo ayaa lagu weeraray illinka hore ee gurigiisa, iyadoo aan la ogeyn weli sababta keentay in kooxahan hubeysan ay weeraraan wariyaha iyo ruuxa la joogay ee macallinka ahaa.
“Xalay wariyuhu xafiiska ayuu seexday oo shaqo ayuu ku jiray, dhowr jeer ayaan saaka wada-hadalnay waana wanaagsanaa, balse ruux nasoo wacay ayaa inoo sheegay inuu Black dhaawac yahay, isbitaalkana la dhigay, markii aan isbitaalka nimidna waxaa naloo sheegay inuu ka dhaawacan yahay mid ka mid ah gacmihiisa iyo caloosha,” ayuu yiri Muuse Jiisoow oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala xafiiska Somali Channel ee Muqdsiho.
Muuse Jiisoow ayaa sheegay in wariyaha lagu sameynayo qalliin, isagoo xusay inaysan garanayn sababta ka dambeysa ee la weeraro wariyaha iyo ruuxa la joogay ee macallinka ahaa oo labadaba lagu daweynayo isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
“Innagu ma garan karno sababta loo beegsaday, waayo wariye Black ma ahayn nin labada dhinac wax ka sheegi jiray, waxaan u maleynayaa inay qayb ka tahay ugaarsiga lagu hayo suxufiyiinta oo midba maalin la dilayo,” ayuu mar kale yiri Jiisoow.
Dhakhaatiirta isbitaalka Madiina ayaa suxufiyiin tagay isbitaalka si ay u soo booqdaan dhaawaca wariyaha waxay u sheegeen in xaalada wariyaha ay aad u culus tahay, balse ay dadaalayaan.
Wariyahan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa wariyeyaal dhowr ah oo inta lagu jiro sannadkan 2014 dhibaatooyin isugu jira dil, xarig iyo dhaawac meelo kala duwan oo Soomaaliya ah loogu geystay.
Wixii arrintan kusoo kordha waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya