Wariye Caawa ku dhaawacmay Muqdisho iyo Ruux Shacabka ah oo la Toogtay

Axad, November 09, 2014 (HOL) — Nuurre Maxamed Cali oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa ku dhaawacmay caawa qarax gaari uu watay loogu xiray, iyadoo xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir ay koox hubeysan isla caawa ku toogteen qof rayid ah.

Dhaawaca wariyaha oo aad u daran ayaa yimid kaddib markii gaarigiisa uu si lama filaan ah kula qarxay agagaarka isgoyska lamabar afar, iyadoo markiiba dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Madiina.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wariyaha uu gaaray dhaawac halis ah, lana filayo in isla caawa lagu sameeyo qalliin deg-deg ah, inkastoo xaaladdiisa si aad ah looga dayrinayo.

Wariyahan caawa la dhaawacay ayaa horay ula shaqeyn jiray idaacada Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, inkastoo la sheegay in hadda uu u shaqeynayay mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala Xamar.

Ma ahan wariyihii ugu horreeyay oo waxyeello ay kasoo gaarto qarax gaari uu wato loogu xiray, iyadoo bartamihii sannadkan uu ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa Yuusuf Keynaan oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa caawa toogasho ku dilay ruuxan rayid ah oo marayay Xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir, iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Illaa hadda lama oga sababaha ka dambeysy dilka qofka oo la sheegay inuu ahaa rayid, balse goobjoogayaal ah oo xaafaddaas ku sugan ay sheegeen in xaaladda xaafaddu ay is-bedeshay markii uu dilkan dhacay.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid aad u wanaagsan ayaa haatan u muuqda inuu soo xumaanayo; iyadoo dhowr ruux lagu dilay Muqdisho tan iyo markii ay bishan November dhalatay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay dhaawaca wariyaha iyo dilka qofka rayidka ah ee lagu dilay caawa degmada Wadajir, iyadoo aysan ka hadlin hay’adaha amniga dowladda falalka caawa ka dhacay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya