Magaalada Hargeysa oo laga xusay Maalinta Saxaafada Somaliland (Sawirro)


Axad, November 09, 2014 (HOL) — Xuska maalinta saxaafadda Somaliland ayaa maanta si balaadhan loogu xusay magaalada Hargeysa, taasoo ay isugu yimaadeen wariyeyaasha iyo hawl-wadeenadda warbaahinta, siyaasiyiin iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Sannad walba bishan 09-ka November ayaa la xusaa maalinta saxaafadda Somaliland, taas oo warbaahintu isla garteen in maalinta loo asteeyo maalin la xuso saxaafadda Somaliland.

Munaasibadan oo lagu qabtay hoteel Xaraf ayaa lagu soo bandhigay tacayadda lagu hayo wariyeyaasha ka howlgala Somaliland iyo xoriyatul qawlka oo dastuurku muwaadiniinta u damaanad qaaday.

Sidoo kale, Munaasibadan waxa hadheeyey oo dadkii madasha ka hadlay ka wada hadleen sida loola dhaqmay  gudomiyaha Telefishanka Horn Cable, Farxaan Xaaji Cali oo gurigiisa dawladdu la wareegtay, kuwaas oo ku macneeyey cabudhinta saxaafadda, inkastoo dawladdu ku dooday in gurigaasi guri dawladeed yahay oo dawladdu mar kasta oo ay u baahato la wareegi karto.

Xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA, Maxamed Rashiid  ayaa isna sheegay in laba wariye ay u xiran yihiin maqaalo ay ku dhaliilay xukuumadda uu muddo dheer u xiran yahay.

“Xukumaddaha African-ka marka wax si ka noqdaan ayay Warbaahinta ku waashaan.mar haddaad aragto Xukumad ka dhamaan weyday warbaahin wixii ka waaweynaa ayay ka leexatay.dee Xukumaddaha loo ma diran inay Saxaafadda la dagaalamaan  ee waxa loo dirtay inay Dalka Horumar gaadhsiiyaan” ayuu yidhi Xasan Ciise madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland.

Musharraxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID C/rashiid, Xasan Mataan isna munaasibadda ka hadlay ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa“Saxaafadu waa tii shalay hiilisay saxaafaduna maanta way hiilinaysa oo shacabka ayay u hiilinaysa, Somalia oo aynu kasoo go’nay waxyaalihii burburiyey oo dhani maanta way ka jiraan Somaliland, waxaan hubaa inuu xasuuq dhici lahaa haddii aanay saxaafadani jirin maanta, waxa kaliya ee lagaga badbaadayaa in dadka la isku xidhxidho waa saxaafadaasi shacabku daba taagan yahay ee leh wadda, dalkana waynu uga lexjeclo badanahay kuwo dalka haya”

Sidoo kale, gudoomiyaha telefishanka HCTV Farxaan Xaaji Xasan ayaa sheegay inay dawladdu ku socoto in telefishankiisa la xidhay, isla markaana ay ka Tabaabushaysteen oo ay u diyaar garoobeen, waxaanu xusay in aanu u joojinayn talaabo kasta oo ay dawladdu is tidhaa ka qaad.

“xukumadani nasiib ayey leedahay oo waanu la soo shaqaynay macnaheedu maaha waxbaanu ka rabnay ee wixii aad tidhi wax baan qabanaynaa ayaanu kugu taageernay,wixii aanu dabooli jirnay uun baanu daboolka ka qaadnay, dhacdooyinkana ma samayno ee (Saxaafaddu)  ee  wixii dhacay uun baanu gudbinaa”ayuu yidhi Gudoomiyaha Telefishanka HCTV Farxaan Xaaji Cali, waxaanu intaas ku daray “ Saxaafaddu khaladka ay ku soo gudbiso ka faa’iidayso oo iska sax, mucaaradkana waan soo dhoweynaa waxaana leeyahay dhaliisha waxaad raacisaan waxaad qaban doontaan ee aad kaga duwanaan doontaan oo dhaliil uun ha waddana wax qabadkiina so bandhiga”.

Mar uu ka hadlayey qaabkii gurigiisa ciidanku ula wareegeen wuxuu yidhi “ In illaa shanti subaxnimo gurigayga Ciidan loo soo diro may ahayn, waxaan filayey in wax badan wadanka aan gashaday,   haddii aad guri iyo laba Guri aad la wareegtaan u joojin maayo warbaahinta, soomaali oo dhan baan u adeegaa, qaar baa yidhi waad guuraysa inkastoo barakac noqday oo baraca wuxu yahay dareemay, hadana ma guurayo, talaabada ku xigta talaabadan waan ogahay oo waa in la xidho telefishanka taasna waan u diyaar garoobay”.

Si kastaba ha ahaaatee, siyaasiyiintii iyo wariyeyaashii goobtaasi ka hadlay ayaa dhaliilo usoo jeediyey wariyeyaasha iyo xukuumadaba, iyagoo wariyeyaasha usoo jeediyey inay isa saxaan qudhoodda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland