
Axad, November 09, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka KMG-ka ah ee Jubba, C/llaahi Sh. Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo shirkiisa jaraa'id oga hadlay ujeedada socdaalkiisa Kenya iyo arrimo la xiriiro isku xirka jaaliyadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeedo goballada Jubbooyinka iyo Gedo.
Fartaag ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii oga hir-galay socodaalkiisa iyo waliba qaabka maamulkoodu uu iskugu howlaayo, isku xirka dadka ka soo jeedo deegaanada ay ka arrimiyaan ee dalka dibadiisa ku nool, asagoona ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed iney si wanaagasan ula shaqeeyaan maamulkooda ayna gacmo furan ku soo dhaweyn doonaan cid kasto oo damacsan horumar.
Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubba kama hadlin weerarkii qasaaraha badan geystay ee Ururka Al Shabaab ay shalay kula wareegeen deegaanka Kudhaa oo bishii aynu soo dhaafnay gacanta u gashay maamulkooda.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa u muuqday inuu ka gaabsanaayo arrintaas. Wuxuuna shirkiisa ahmiyada ugu badan ku siiyay inuu ka hadlo waxyaabihii ay qabteen iyo waliba sidii ay iskugu xiri lahaayeen dadka ka soo jeedo deegaanada ay maamulaan isla markaasna ku dhaqan meelaha ka baxsan Soomaaliya.
Sidoo kale Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Jaziirada Kudhaa ee ka tirsan gobalka Jubbada hoose, ayadoona illaa 30, askari oo ku dhaawacmay dagaalkaas maanta la geeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug si halkaas loogu daaweeyo.
Afhayeenka Maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar, ayaa ku eedeyay Al Shabaab iney dad shacab ah ku laayeen deegaanka Kudhaa, wuxuuna sheegay in dagaal ay ku qaadeen Jaziiradaas isla markaasna ay dhibaato gaarsiiyeen dad shacab ah, balse Ururka Al shabaab ayaa guul ka sheegtay dagaalkaas, waxeyna sidoo kale sheegeen in illaa 60, askari ay ku dileen halka maamulka Jubba ay dhankooda qirteen in dagaalkaas looga dilay 15, askari.
Kudhaa waa Jaziirada ka tirsan gobalka Jubbada hoose, waxeyna dhanka koonfureed ka xigtaa magaalada Kismaayo; ayadoo 25-kii bishii aynu soo dhaafnay ay ciidamada maamulka Jubba kala wareegeen Al shabaab, ayaa hadana sabtidii aynu soo dhaafnay ay mar kale Al Shabaab dib gacanta ugu dhigeen Jaziiradaas.
Bilihii aynu soo dhaafnay ayey aheyd markii gobalo ku yaallo Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ay ka dhaceen howl-galo ay wada fuliyeen Ciidammada dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ay kula wareegeen deegaano kala duwan.
[email protected] | [email protected]
Nairobi, Kenya