Axad, November 09, 2014 (HOL) — Xildhibaanadii dhawaan mooshinka ka keenay RW Somalia, C/weli Sheekh Axmed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa shaaciyay in ay lagama maarmaan tahay inuu dhaco is-bedel, iyagoo intaa ku daray in haddii ay heshiin waayaan madaxda dalka mooshinka la hor-geynayo baarlamaanka si loogu codeeyo.
Mudanayaashii kulanka ka qaybgalay qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay mooshinka iyo qodobbadiisa, iyadoo nuqullada mooshinka loo qabiyay xildhi-baannadii kulanka isugu yimid.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si-bedel dhaco, isagoo xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay howlihii loo igmaday oo dhan ayna fulin wayday.
Sidoo kale, xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo isaguna kulankii maanta ka hadlay ayaa beeniyay warar sheegaya in mooshinka uu aqbali waayay guddoonka baarlamaanka, isagoo xusay in mooshinkoodu yahay ayna 140-mudane saxiixeen, sidoo kalena uu isna saxiixay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlmaanka, iyagoo xusay inay ka laaban karaan iyaga oo keliya, laakiinse aysan jirin cid meel kale u leexin karta. isla markaana uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad saxiixay.
DHAGEYSO: CODADKA XILDHIBAANNADII KULANKA KA HADLAY
Xildhibaan Xiddig ayaa sheegay in xukuumadda ay ku fashilantay howlihii loo igmaday ay ballan-qaaday sida federaalka, isagoo carrabka ku dhuftay inay muhiim tahay in mooshinka ay kasoo gudbiyeen xukuumadda la hor-keeno baarlamaanka si cod loogu qaado.
Kulankan oo qado ahaa ayaa intii uu socday waxay xildhibaannada si weyn uga doodeen qodobada ay kusoo eedeeyeen xukuumadda, iyadoo dhamaan qodobbada laga akhriyay kulanka.
Xildhibaannada ayaa xusay inay kalsooni ku qabaan in xukuumadda kalsoonida la-gala laabanayo xukuumadda haddii mooshinka la hor-keeno baarlamaanka, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda, isla markaana ka mid ah xubnaha baarlamaanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin; wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda, Burci Maxamed Xamza, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa kuwii uu saameynta ku yeeshay isku shaandheyntii koobnayd ee golaha wasiirrada uu ku sameeyay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed. Waxaa kaloo ka mid ahaa, wasiir ku xigeenka warfaafinta, C/llaahi Colaad Rooble, wasiir ku xigeenka diinta iyo owqaafta, xildhibaan Yuusuf Xeyle.
Kulanka maanta ayaa kusoo beegmaya iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia uu ka dalbaday mudanayaashan inay hakiyaan mooshinkood inta ay socdaal dadaallo uu sheegay in lagu soo afjarayo khilaafka madaxda DF Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







