Dhaawacyo Kismaayo laga keenay oo maanta Galkacayo lasoo gaarsiiyey


Axad, November 09, 2014 (HOL) —Dhaawacyo laga keenay dhanka magaalada Kismaayo ayaa maanta lasoo gaarsiiyey xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacayo.

Dadka dhaawaca ah oo u badan askar ka tirsan ciidamada Maamulka Jubba waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey mas'uuliyiinta maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkcayo.

Agaasimaha isbitaalka guud ee Gaalkacayo Dr. Maxamed Xuseen Aadan ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee dhaawacyada oo gaaraya shan qof islamarkaana qaar xaaladoodu halis tahay ku jiraan.

Dr-ku wuxu sheegay in dhaqaatiirta isbitaalka ka hawlgalaa daryeel caafimaad oo deg deg ah bukaanadaas u fidiyeen , xiliganna xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Ma ahan markii ugu ugu horeysey ee dhaawacyo magaalada Kismaayo laga soo qaaday lasoo gaarsiiyo magaalada Gaalkacayo si loogu dabiibo.

Dagaal xooggan oo ciidamada Maamulka Juba iyo Al-shabaab ku dhex maray Jaziirada Kudhaa waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad soddon askari oo ciidamada maamulkaas ka tirsanaa tiro intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya