SIILAANYO: Kursiga cay ugama tagayo Kalsoonida bulshadana waan haystaa


Axad, November 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Max'uud Siilaanyo ayaa maanta kormeer ku tagay wasaarada warfaafinta, wargeyska dowladda ee Dawan iyo Wargeyska madaxa banaan ee Jamhuuriya oo ah wargeysyaddii ugu horeeyey ee dhawr iyo sagaashankii dalka laga aasaasay.

Madaxweynaha iska difaacay eeddo badan oo xisbiyadda mucaaradku usoo jeediyeen, isla markaana sheegay in aanu cay iyo aflagaado xilka kaga tageen balse cod uun kaga tagi karo, isagoo xusay inuu wali haysto kalsooniddii shacabka.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay weftiyadda badan ee dalka yimaadda, dhaliisha mucaaradku usoo jeediyaan, iyo laba sarkaal oo ciidanka ka tirsan oo askartiisii laayeen oo uu sheegay inuu ka xun yahay sharcigana la horkeeni doono ciddii ka dambaysay.

“Markii shirka maalgashiga ka soo noqday, waxaan kusoo noqday dalka iyadoo lagu sheekaynayo Madaxweynihii Is-sharrixi maayo, wuu xanuunsanayaa iyo sheekooyin aad u daciif ah oo aan ka turjumayn wixii qarankani u baahnaa.Waxaan leeyahay, waar xanuunsan maayo oo Ilaahay mahaddii, dheg laygama hayo.Waar dhiman maayo maalinta ajashayda ka hor.Waar kursiga cay kaga tagi maayo ee cod baan ku imid, maalinta codka layga helo ayuun baan bannaynayaa, waxaanan haystaa kalsoonida Bulshadii i dooratay.” ayuu yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey eeddo loo soo jeediyey.

Mar uu ka hadlayey tabashooyinkii odayaashii reer Awdal usoo gudbiyeen madxweynaha waxa uu yidhi “aniga iyo Odayada dhaqanka ee reer Boorama waxaanu leenahay ujeeddo kaliya oo ah, sidii Boorama iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland u heli lahaayeen xuquuq-dooda, una gaadhi lahaayeen cadaalad iyo sinnaan. Wax kasta oo khaldan ama wax laga tabanayo waxaan jecelnahay in aan wax ka qabto sida ugu fiican, iyo xiliga ugu habboon, waxaanan Bulshada guud ahaan leeyahay noo sabra idinkaanu idiin shaqaynaynaa, isu sabra wixii dhexdiina yaala, hana loo dulqaato wixii qoonsi ka yimaadda shaqadaas.”

“Waxaa dhawaanahan dhacday, in Askar Ciidanka ka tirsani ay laayeen Saraakiishoodii ay Madaxda u ahayd, waa dhacdo inagu cusub oo aad u fool-xun, waa khalad in Ciidankii loogu talogalay inay cadawga difaacaan, in uu saaxiibkiisii ay godka ku wada jireen uu dilo ama looga werwero, ma aha arrintani wax la aqbali karo. Dambiilayashii wixii la qabtayna, waxa sharcigu yidhaahdo ayaa lagu qaadayaa, mana jiro wax laga dabcinaayo iyo cid u hiilin kartaa, wixii aan markaa la qaban, kama hadhi doono wax-kasta oo ay qaadato iyo wakhti kasta oo ay gaadho.”ayuu yidhi mar kale isagoo ka hadlaya saraakiil lagu dilay Qori lugud.

Madaxweynuhu mar uu k aka hadlayey khilaafka golaha Wakiiladda waxa uu yidhi “Golaha Wakiillada waxaan kula dardaarmaya inay isu tanaasulaan, saxdaan wixii ka khaldan, iyagoo nidaamka iyo shuruucda raacaya oo ilaalinaya, arrinkooda hoos iyo wada hadal, haku dhamaystaan”

Sidoo kale, waxa uu xisbiyadda mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale ee dhaliilla usoo jeediyey inay  joojiyaan cayda iyo aflagaadda, isla markaana aan cay wax lagu helin.

Si kastaba ha ahaatee, khudbadda madaxweynaha ayaa ku soo beegantahay maalinta saxaafadda Somaliland oo maanta si weyn loogu dabaaldegay magaaladda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland