Axad, November 09, 2014 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Gol-dogob ayaa ku waramaya in halkaas uu ku geeriyooday Ugaaska guud beesha Leelkase, Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cabdule sidaa waxaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay xubno kamid ah qoyska Ugaaska.
Ugaas Axmed oo kamid ah asaasayaashii Puntland ayaa ku xanuunsanayay cisbitaalka guud ee degmadaas ,waxaana waqti sii horeeyay laga keenay dalka dibaddiisa oo markii hore loogu qaaday arimo caafimaad.
“Dhamaan dadka magaalada si isku wada mid ah uma ogayn arintan, balse marki ay soo shaac baxday waxaa laga dareemay guud ahaan gobolka Mudug,“ ayuu yiri Shekh Cali oo kamid ah dadka deegaanka Goldogob.
“Wuxuu ahaa ruux taqwa badan oo dadka u wanaag fala ,waxaan alle uga baryaynaa in uu naxariista siiyo,“ ayuu mar kale xusay Sheekh oo tilmaamay in geeridu xaq tahay, isla markaana ay u tacsiyaynayaan Ugaaska iyo eheladiisa.
Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Goldogob ayaa ku howlan qaban-qaabada aaska marxuumka, waxaana lagu wadaa in aaskiisa ay ka qayb-galaan oday-dhaqameedka Soomaaliya iyo mas'uuliyiinta maamulka Puntland.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]