CALI KHALIIF GALAYR: " ilama ahan inaan P/land wadahadal la furi doonno"


Axad, November 09, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay inay fogtahay rajada laga qabo wadahadal dhex mara maamullada Khaatumo iyo Puntland.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA wuxuu ku sheegay in markii Cabdiweli Gaas qabtay hoggaanka Puntland la filayey in labada dhinac sidii hore isaga soo dhowaan doonaan haseyeeshee hogaanka cusub ee siyaasadda Puntland arintaas carqaladeeey.

"Maamulka Puntland madaxweynihiisu waayadan waxaad moodaa sida uu u hadlayaa in lasii kala fogaado maahee inaan laysu soo dhowaaneyn...waxan is leeyahay maalintii la doortay iyo maanta, maanta ayey fogtahay, markii kaambeynkiisa uu wadey wuxuu ka hadlay in dadka dhulkaas ku nool aayahooda ka talin doonaan uuna taageersan yahay..." ayuu yiri.

Mar la weydiiyey inay diyaar u yihiin wada-xaajood ay la furaan Maamulka Somaliland wuxuu ku jawaabay in Khaatumo nabad u baahan tahay iyo weliba inay ka baxaan ciidamada Somaliland oo sida uu tilmaamay xoog ku haysta deegaano ka tirsan dhulka Khaatumo.

August 14, 2014 ayaa Cali Khaliif Galery oo markii ugu dambeysey ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Maamulka Khaatumo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya