Axad, November 09, 2014 (HOL) — Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada CCA ayaa sideed sano kaddib daawadii ugu horreysay iyo dhakhaatiir geysay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe oo bishii hore ay cidamada dowlada iyo AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.
Dadka daawada iyo baaritaanka lacag la’aanta ah ka faa’iideystay ayaa isugu jiray caruur, dhallinyaro, haween iyo dad waayeel ah, waxaana qof walba lagu sameeyay baaritaan, iyadoo markaas kaddibna la siiyay daawadii ku haboonayd cudurka laga helay, iyadoo howshan ay socotay laba maalin ah oo xiriir ah.
Adeeggan caafimaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa maamulka degmada iyo madaxda hay’adda CCA, iyadoo hadal uu halkaasi ka jeediyay guddoomiyaha degmada Cadale, Muxyadiin Suudi Maalin uu ku sheegay inuu aad ugu farax-san yahay deeqdaa daawada ah ee lasoo gaarsiyey dadka ku nool degmada Cadale, isagoo xusay inay shacabka degmadiisu qabeen dhibaatooyin aad u xoog badan oo dhinaca caafimaadka ah.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamey inay deeqdani dawada ah wax weyn u tari doonto ummadda ku nool degmada, wuxuuna mahad u celiyay hay’adda CCA oo samafalkaas geysay degmada.
Taliyaha nabad-galyada degmada Cadale, Col. C/qaadir Nuur Xasan oo loo yaqaan (Qoondhe) oo isna hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo wax walba oo gurmad caafimaad ah oo lasoo gaarsiiyo shacabka Cadale ku nool, isagoo ku bogaadiyay hay’adda CCA gurmadka ay u fidisay shacabka Cadale.
Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda CCA, Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo oo isna saxaafadda kula hadlay xaruntii ay dhaqaatiirta ku baarayeen dadka degmada Cadale ayaa sheegay in howshan ay ku timid codsiyo kala duwan oo uga yimid dadka degmada ku nool.
“Waad dareemi kartaan baahida caafimaad ee ka jirta magaalo aan isbitaal lahayn oo dadkeeda bukaanka ah loosoo qaado Muqdisho, sidaa awgeed CCA iyadoo ka jawaabeysa baahiyahaas caafimaad ayay idin soo gaarsiisay dawo iyo dhaqaatiir baaritaanno idin ku sameeyo, si loo ogaado loona daweeyo qof walba xanuunka uu qabo,” ayuu yiri Cajiib.
Dhinaca kale, isagoo ka hadlayay dhibaatiiyinka dadka haysta ayuu tibaaxay in dadka deegannada bari ee Shabeellada Dhexe oo ay ugu horeeyaan Cadale iyo Warsheekh ay haysato waxbarasho la’aan iyo caafimaad darro, kaddib markii ay Al-shabaab xarumo ciidan ka dhigeen dhamaan dugsiyadii iyo isbitaalladii degmooyinkan. Wuxuuna xusay inay sii wadi doonaan bixinta gargaarro noocan oo kale ah iyo kuwo ka duwan intaba.
Dr Maxamed Cismaan Jabriil (Dr. Shiine) oo ahaa horjoogihii dhakhaatiirtii waday howsha muddada labada casho ah ayaa isna saxaafadda u sheegay in dhibaatada caafimaad ee haysata bulshada degmada Cadale ay tahay mid aad u weyn, isagoo sheegay xitaa in dadka aanay haysan isbitaal yar oo ay ku gaaraan Muqdisho.
“Dadkii aan daweynay waxaa ku jira kuwo aan xitaa wax ka qaban waynay oo aan isbitaallo Muqdisho ku yaalo ku ballaminnay si wax loo qabto,” ayuu dhakhtarku hadalkiisa ku daray.
Dadkii ka faa’iideystay dawada iyo baaritaanka ayaa u mahad-celiyay CCA oo ay ku tilmaameen inay tahay hay’addii ugu horreysay ee gurmadkeeda ay helaan tan iyo markii degmada laga saaray Al-shabaab oo sannado badan ka talinaysay.
Gargaarkan ayaa ka koobnaa noocyo kala duwan iyadoo 500-qof ay ka faa’iideysteen, kuawaasoo intooda badan laga halay cudurro ay ka mid ahaayeen malaariya, qufaca, gaaska, roomatiisimka, infekshanka, nafaqo-darro, gooryaan, xanuunnada indhaha, afka, sanka IWM.
Bixintii deeqda daawada ah oo si weyn looga dareemay Cadale ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u wanaagsan. Iyadoo degmada Cadale oo 180-km u jirta Muqdisho ay muddo sideed sano ah gacanta ku haysay Al-shabaab, tan iyo xilligaasna waa markii ugu horreysay ee shacabka degmadaas ay helaan gargaar dawo iyo baaritaan caafimaad ah isugu jira.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya