
Axad, November 09, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu kulammo kala duwan maanta kula yeesho Muqdisho danjirayaal ka socda Beesha Caalamka, taasoo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo khliaafka sii adkaanaya ee madaxda dowladda Somalia u dhexeeya.
Mudane Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ayaa wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia, danjire Nicholas Kay si gooni ah u qaabili doona, iyagoo kala hadlaya xallinta khilaafka madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli oo oo maalmihii u dambeeyay cirka isku sii shareerayay.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Jawaari uu uga warbixin doono danjirayaasha beesha caalamka wada-tashiyadii uu la qaatay xildhibaannada baarlamaanka ee kala taageersan labada mas’uul, iyadoo guddoonku dadaal ugu jiro sidii uu ku xallin lahaa khilaafka sii xoogeysanaya ee madaxda dalka.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la kulmaya safiirrada dalalka Midowga Yurub u fadhiya Somalia, kuwaasoo uu kala hadli doono dadaallada uu guddoonku ugu jiro xal ka gaarsita khilaafka oo isbuuc ka hor dibadda u soo baxay.
Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa shalay Muqdisho kula kulmay xildhibaannada kala fikirka duwan ee baarlamaanka, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay sidii xal looga gaari lahaa muranka labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya soo dhexgalay.
Saacadihii ugu dambeeyay ayuu guddoomiyaha baarlamaanku dadaal weyn ugu jiray sidii lagu xallin lahaa khilaafka madaxda dalka u dhexeeya, kaasoo ka dhashay isbedel lagu sameeyay wasaarado ka mid ah xukuumadda, iyadoo taas ay dhalisay in mooshin laga keeno ra’iisul waasaraha Somalia.
Khilaafka madaxda dalka ayaa gilgilay howlaha xukuumadda iyadoo dalalka caawiya Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafkan, waxayna ka digeen qaarkood inuu halis ku noqon karo horumarradii lagu tallaabsaday iyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu gaaro doorasho sannadka 2016-ka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya