Axad, November 09, 2014 (HOL) — Tababar la xiriira Maamul wanaaga iyo hogaaminta ayaa Muqdisho looga furay shalay oo Sabti ahayd maamullada degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo tababarkan ay ka qeyb galayaan ilaa 65-xubood isugu jira Gudoomiye, Kuxigeeno, Xoghayaasha iyo waaxaha kala duwan ee degmooyinka.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen Hey'adda UN-Habitat iyo CRD ayaa waxaa fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu soconayaa muddo 7-isbuuc ah oo todobaadkiiba la qaadanayo saddex cashar.
Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada, Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Mas'uuliyiinta Hey'adda CRD.
Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka hadashay furitaanka Tababarkan ayaa uga mahad celisay Hey'adaha soo qaban qaabinaya, waxaana ay sheegtay in Tababarkan uu bilow u noqon doono sidii ay doorasho uga dhici laheyd degmooyinka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore oo ku hadlayay magaca Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa sheegay in tababarkan ay ka faa'ideysanayaan inta uu socdo, isla markaana ay rajeynayaan inuu noqdo mid keena in degmooyinka ay ka dhacaan doorasho xor ah.
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in Tababarkan ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana wax badan is bedeleen.
Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in doorka ugu weyn ay leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay hoos yimaadaan maamulada degmooyinka, isagoo ka hadlay ujeedada tababarkan.
Tababarkan ayaa waxaa lagu baranayaa awood siinta dadka, maammul wanaaga, hogaaminta, iyadoo inta uu soconayo la tagi doono degmo kasta, isla markaana koox koox loo qeybinayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo qeybaha ka qeyb galaya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya