Sabti, 08 November, 2014 (HOL) :- Kadib dagaal xooggan oo saaka aroortii deegaanka Kudhaa ee gobolka J/hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubba iyo dagaalyahannada Al-shabaab ayay ugu danbeyntii xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku heynta Jaziirada Kudhaa.
Deegaanka Kudhaa oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose ayay dhawaan dagaal kula wareegeen ciidamada maamulka Jubba, iyadoo deegaankaasi uu kamid ahaa goobaha muhiimka ah ee ay maamuli jireen xoogagga Al-shabaab.
Dagaalkii saaka ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, haseyeeshee waxaa adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Saraakiil u hadashay maamulka Jubba ayaa sheegay in ay deegaankaasi uga baxeen xeelad Militari, iyagoo sheegay in ay ciidamadooda ku suganyihiin duleedka deegaanka ay qorsheeynayaan weerar rogaal celis ah.
Al-shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkii saaka, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.
Gobolka J/hoose waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka jiray xiisado dagaal oo u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Shabaab oo dib ula wareegtay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose
More News
- Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku xabadeeyay gaari uu lahaa Injineer Turki ah
- Turkiga oo Shaaciyay in uu Xoojinayo Xiriirka kala dhexeeya Qaaradda Afrika
- Mas'uuliyiin booqday deegaano hoostaga Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)
- JAWAARI: Xildhibaanadu waa inay faraha kala baxaan khilaafka Madaxda Dalka (SAWIRRO)
- Barnaamij cusub oo lagu Nafaqaynayo Caruurta oo Hargeysa lagu daah-furay
- Hay’adda Zamzam oo gargaar u qaybisay shicib Barakacayaal ah (SAWIRRO)
- GALEYDH: Somaliland waan la Hadlaynaa Balse Puntland Rajo kama Qabno
- Ergada shirka Maamulka Koofur-galbeed oo Dastuurka Ansixiyay (SAWIRRO)
- Deeqdii ugu horeeyay oo Maanta la gaarsiiyay degmada Ceelbuur (SAWIRRO)
- Gudoomiyaha wakiilada Somaliland oo ka hadlay dib u dhaca kulankii Maanta
- Guddoomiyaha hay’ada Diakonia ee Afrika oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Xoghayaha Amniga Mareykanka iyo Soomaalida Minnesota oo kulan yeeshay
- Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday iyo Dadaallo Mooshin Baajin ah oo socda