4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
JAWAARI: Waxaan Taageerayaa Go'aankii Xukuumadda ee Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia (DAAWO VIDEO)


Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ahna ku simaha madaxweynaha dalka, ayaa sheegay inuu taageeray go’aanka xukuumadda Soomaaliya ee la xiriira in la ballaariyo dadaallada ku aaddan in gogosha shirka dhismaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ka socda uu noqdo mid loo dhan yahay.

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka ayido anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan magaca madaxweynaha dalka go'aannada kasoo baxay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ee lagu xoojinayo dadaallada is-fahamka iyo wada-hadalka ah ee ka socda Baydhabo si ugu dambeyn loo helo in shirka hadda ka socda Baydhabo uu u noqdo mid loo wada-dhan yahay oo shacabku kasoo jeeda gobollada loo dhisayo maamulka ay kawada qaybgalaan,” ayuu Jawaari ku yiri qoraal uu caawa soo saaray.

SOO ROGO GO'AANKA XUKUUMADDA SOMALIA:

Sidoo kale, guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri. “Waxaan doonayaa inaan xusuusiyo dhammaan ergooyinka wasiirrada, siyaasiyiinta, guddiga farsamada iyo guud ahaanba shacabka Koonfur-galbeed ee shirka ku jira in markii howlahan oo kale la qabanayo habka loo marayo ay ka muhiimsan tahay natiijada soo baxda, waana muhiim in hab-raaca loo marayo howsha dhameystirka dhismaha maamulkan uu noqdo mid loo wada-dhan yahay si uu u sameysmo maamul lagu diirsado, loo wada-dhan yahay, isla markaana lagu qanacsan yahay, sida uu horayba u sheegay madaxweynuhu markii la furayay shirkan.”

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalkiisa daba-dhigay in dhinacyada ka maqan shirka oo ay odayaasha dhaqanku ugu horreeyaan shirka laga soo qaybgeliyo, si uu u noqdo mid ummadda oo dhan ay ku qanacsan tahay.

Ugu dambeyn, Jawaari ayaa u mahad-celiyay xildhibaannada Baydhabo ku sugan ee wada dadaallada lagu dhisayo maamulkan iyo xubnaha kale ee iyaguna gacanta ku siinaya howlaha waxaana ugu baaqay dhammaan shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur-galbeed inay mar walba ilaaliyaan xasiloonidooda iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo qalalaase keeni kara.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya