4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
Kooxda Boko Haram oo beenisay inay Heshiis la gashay Xukuumadda Nigeria


Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Kooxda Boko Haram oo ka dagaalanka dalka Nigeria ayaa beenisay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay xukuumadda dalkaas, iyagoo intaa ku daray in 200 oo gabdhood oo ay horraantii sanadkan afduubeen ay dhamaantood Islaam laga dhigay ayna u guuriyeen xoogagooda.

Hoggaamiyaha kooxda, Abubakar Shekou oo cajalad fiidiyow ah sii duubay ayaa sheegay inuusan jirin heshiis xabbad-joojin ah oo ay xukuumadda la galeen, isagoo xusay in hadalkii xukuumadda Nigeria ay horay u sheegtay ku tilmaamay mid been abuur ah.

“Warka xukuumaddu sheegtay waa been, mana jirto cid aan wadahadallo la galayno,” ayuu yiri Shekou, isagoo intaas ku daray. “Gabdhihii aan gacanta ku haynay dhammaantood waxay qaateen Islaamka, waxaana u guurinnay dagaalyahannadeenna.”

Sidoo kale, Abubakar Shekou wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay dagaallada sii wadi doonaan, isagoo intaas ku daray inay ku taagan yihiin waddadii ay Nigeria oo dhan kaga hirgelin lahaayeen isku-xukunka diinta Islaamka, ayna ku taagnaanayaan waligood.

Gabdhahan ayaa xilligii la afduubayay waxay ku sugnaayeen iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla Waqooyi-bari Naigeria, taasoo keentay inay mar qura dunida oo dhan ka hadasho, inkastoo aan lagu  guuleysan in Boko Haram laga soo furto.

Ha’yadaha Xuquuqda Aadanaha caalamka ayaa dowladda Nigeria dhawaan ku eedeeyay inay wax ka qaban wayday gabdhaha ay kooxda Boko Haram ka afduubatay iskuul ay wax ka baranayeen.

Xukuumadda Nigeria ayaa dhawaan sheegtay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay kooxda Boko Haram, ayna rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dadaallo lagu doonayo in gabadhaha afduuban lasoo daayo.

Kooxda Boko Haram oo macnaheedu yahay – Waxbarashada reer Galbeedku waa Xaaraan – ayaa waxay dagaallo kula jirtay xukuumadda Nigeria tan iyo sannadkii 2009-kii; iyagoo deegaanno badan oo Nigeria ku yaalla boqolaal haween ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya