4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
Dabley toogtay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo iyagiina la Toogtay

Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Qaranka ayaa maanta labo ruux ku toogtay agagaarka Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaddib markii ay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku toogteen suuqa hubka lagu iibin jiray ee loo yaqaan Cir-toogte.

Labadan qof oo dhallinyaro ahaa kuna hubeysnaa bastoolad ayaa intii aysan dilin la sheegay inay si gaadmo ah ku toogteen askariga oo ku sugnaa meel ku dhow qaybta suuqa bakaaraha ee lagu dilay, iyagoo mid kalena dhaawacay.

Ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda oo goobta meesha ka dhawaa ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen labada ruux ee dilka geystay oo doonayay inay baxsanayaan.

Saraakiisha nabadsugidda ayaa sheegay in labada ruux lagu amray inay is-dhiibaan, balse ay diideen, taasoo keentay inay ciidamadu goobtaas ku toogtaan iyagoo aan wax is-difaacid ah sameyn.

Wararka ayaa sheegaya in labada qof ay caan ka ahaayeen bakaaraha, isla markaana ay horay u baadi-goobayeen ciidamada nabadsugidda ee saldhiga ku leh suuqaas oo ah midka ugu weyn Muqdisho.

Sidoo kale, ciidamada nabadsugidda ayaa maanta howlgalo guri-guri ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Dhar-keenley, iyagoo kusoo qabtay dad iyo hub, waxaana howlgalkan uu qayb ka yahay go’aannadii kasoo baxay hay’adaha ammaanka dowladda.

Ma ahan markii u horreysay ee ciidamada nabadsugidda ay toogtaan dad la sheego inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo askar ama dad shacab ah dila, waxaana dhowr bilooyin ka hor askari ka tirsan dowladda lagu dilay isla gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo kooxihii dilay iyagana la toogtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya