4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
Laba Ruux oo ku Dhintay Baabuur ku Qarxay Bartamaha Magaalada Muqdisho

Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Laba ruux oo shacab ah ayaa saakay ku dhintay qarax gaari lagu xiray oo dhacay agagaarka Tarabuunka Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah labada qof uu ahaa darawalkii gaariga watay iyo qof kale oo jidka marayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid gaariga lagu xiray, iyadoo uu darawalka gaariga watay lagu magacaabi jiray, Cali Maxamed Xasan (Dhega-weyne), iyadoo uu qaraxan ka badbaaday qof kale oo gaariga la saarnaa.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid xooggan, gaariga ayaana lagu xiray sida muuqata, labada qof ee dhintay mid darawalkii gaariga ayuu ahaa, kan kalena wuxuu ahaa qof meesha iska marayay ayuu ahaa,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan degmada Hodan oo uu qaraxu ka dhacay.

Marxuumka gaariga waday ee geeriyooday ayaa waxaa lagu aasay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxa gaariga lagu xiray.

Cali Dhaga-weyne ayaa ku dhashay Muqdisho sannadkii 1974-kii, sidoo kale wuxuu ahaa suxufi muddo dheer warbaahinta kasoo shaqeynayay, inkastoo uu markii dambe u wareegay dhinaca ganacsiga, isagoo lahaa shirkad laga jarto tigidhada oo Muqdisho ku taalla. Wuxuuna ifka uga tagay xaas iyo afar carruur ah.

Waxyaabaha qarxa ee gaadiidka gaarka loo leeyahay lagu xiro ayaa kusoo badanayay Muqdisho xilliyadii ugu dambeeyay, iyadoo qaraxyaan qaarkood ay sheegato Al-shabaab, halka kuwo badanna aysan jirin cid sheegatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya