4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
Ururka SOLJA oo cambaareeyay Afar Wariye oo lagu xiray Magaalada Gabiley

Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Somaliland, ayaa cambaareeyey xadhiga lagula kacay afar wariye oo ka hawlgalla magaaladda Gabiley oo ku jira xabsiga magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka ururkaasi Maxamed Cabdi Curad ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xadhiga wariyeyaasha shifo sharci usoo maraan, isla markaana aan wariye shaqadiisa ku gudda jira la iska xidhi Karin.

“Illaa hadda tirada aanu hayno ee Suxufiyiinta la xidhay waxay dhan tahay 4 Wariye oo ka kala tirsan Horn Cabletv,Somalsat tv,Royal tv iyo Somalichannel Tv” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka ururka SOLJA Mr Curad oo ka warbixinayey inta wariye ee Gabiley lagu xidhay.

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaan la xiriiray Badhaasbka Gabiley, Mustafe Cabdi Ciise Oo Nin Wariye ahaan jiray kana soo mid noqday Madaxdii Ururka Solja, wuxuuna sababta xadhiga Wariyeyaasha iigu sheegay inay la xidhiidho War ay ka soo tabiyeen Gabiley Khamiistii,kuna saabsan Xaflad Xisbiga Kulmiye ku qabsanayay halkaasi oo ay sheegeen in calinkii xisbiga kulmiye lagu gubay”.

“Suxufiyiintu way khaldami karaan laakiin,waa in Xadhigooda loo maro sifo sharciga waafaqsan oo Waaran Maxkamadeed loo soo qaato, Dastuurku ma bannaynayo in Suxufiga la qafaasho, ma Bannaynayo in Waaran la’aan lagu soo qabto, waxaanu ku baaqaynaa in Suxufiyiinta loo soo celiyo xaqoodii iyo xoriyadoodii,cidii dacwad ka qabtaana u soo marto Sifo sharci ah” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Afartan wariye ayaa la sheegay in lagu haysto inay soo tabiyeen warar ka dhan ah xisbiga kulmiye, isla markaana xaflad halkaasi ka dhacaysay ay sheegeen in aanay cidi iman, isla markaana calanka xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ay dadku u gubeen, isla markaana qaarkood kabaha iskaga masaxayeen sawiro laga soo qaaday, taas oo ay ka cadhootay maamulka gobolka Gabiley.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland