4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
Gobolka Bakool oo lagu dilay mid ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al-shabaab

Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Somalia ay toogasho ku dileen mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo lagu eedeeyay inuu dilay culummo badan oo gobolkaas ku noolaa intii ay Al-shabaab ka talinaysay.

Howlgalkan lagu dilay sarkaalkan oo lagu magacaabayay Wardheere Xuseen Maxamed ayaa ka dhacy deegaanka Biyooleey oo Koonfur ka xigta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kaddib markii ciidamadu ka war heleen inuu ku sugan yahay deegaankaas.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu toogtay sarkaal oo lala xiriiinayo inuu markiisii ugu dambeysay dilay bishii Maarso ee sanadkii 2013-kii wadaaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/raxmaan Warsame oo ka mid ahaa culummada degmada Xudur.

Xubno ka tirsan saraakiisha dowladda ee gobolka Bakool ayaa sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa sarkaalkan gowraca dadka, isagoo meel fagaare ah sannadkii hore ku gowracay Sheekh C/raxmaan.

Abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool, Cabdullaahi Maxamed Yare ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen sarkaalka, kaddib markii ay ku weerareen deegaanka Biyooleey oo ahayd goob ay culummadu siyaaran jireen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab iyo inuu sarkaalka la dilay ka mid ahaa xoogagooda, iyadoo deegaankan iyo deegaanno kale oo Bakool ka tirsan horay looga saaray Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya