4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
RW Somalia oo Rajo ka muujiyay in dhawaan la xallin doono khilaafka taagan

Sabti, November 01, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Shiikh Axmed ayaa rajo ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha somalia, Xasan Sheekh Maxamuud la xallin doono dhowrka casho ee soo socda, kaasoo ka dhashay isku shaandheyntii lagu sameeyay golaha wasiirrada todobaadkii hore lasoo dhaafay.

Mudane C/wali Sheekh oo wareysi ku siiyay eNCA TV oo xaruntiisu ku taallo Koonfur Afrika ayaa sheegay inuu wali jiro xiriiro isaga iyo madaxweynaha u dhaxeeya, waxaana uu tilmaamay inuu rajeynayo in wax walba wadahadal lagu dhameeyo.

“Kala aragti duwanaashaha jira waxaa lagu xalinayaa wadahadal maanta iyo shalay waxaan ku sugneyn garoonka diyaaradaha aniga iyo madaxweynaha waxan yeelanay xiriirro; waxaan ka doodnay sida loo xalin karo kala aragti duwanaanshaha, waxaan rajeynayaa in maalmaha soo socda horumar laga sameeyo,” ayuu C/weli Sheekh u sheegay eNCA TV.

DAAWO VIEDO: WAREYSIGA RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA

 
Sidoo kale, mar laweydiiyay arrimaha amniga iyo dadaallada ay dowladda uu ka tirsan yahay wado ayuu sheegay in guulo laga gaaray ammaanka, isagoo xusay in horraantii bishan laga saaray Al-shabaab Baraawe oo xarun weyn u ahayd.

Ra’iisul wasaaraha ayaa 25-kii bishii lasoo dhaafay isku-shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo bedel ku sameeyay wasiirka ay sida aadka ah isugu dhow yihiin madaxweynaha, kaasoo sabab u noqday khliaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Madaxweynaha ayaa war uu xafiiskiisa uu kasoo saaray ku sheegay in isku shaan-dheyntaas ay waxba kama jiraan tahay, isla markaana ku wargeliyay wasiir garsoorka iyo dastuurka inuu howshiisa sii wato, sidoo kalena uu isna xafiiskiisa kasii shaqeeyo wasiirka kale ee la bedelay Saalim Caliyoow Ibroow oo ahaa wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Khilaafkan ayaa dibadda u soo baxay, iyadoo ay horay u jireen khilaafyo kale oo soo dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa, waxaana tani ay dibadda u soo baxday Sabtidii lasoo dhaafay, iyadoo labada mas’uuul ay u muuqdaan kuwo ku loolamaya awoodda dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya