4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2014
Dadkii Ka soo Barakacay Fatahaadihii Webiga Jubba oo Kismaayo Soo Gaaray
Sabti, 01 Nofeemba, 2014 (HOL) :- Iyadoo dhawaan webiga Jubba oo ku fatahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka J/hoose, ayaa waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray qoysas badan oo deegaanadoodii uga soo barakacay fatahaaddii uu dhwaan sameeyay webiga Jubba.

Goobaha uu webiga ku fatahay waxaa kamid ah deegaanada Bangeeni, Mashaqo, Masaagiroow, Buulo yaaq iyo deegaano kale oo dhowr ah kuwaasoo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose, waxaana gabi ahaanba ku burburay guryihii iyo beerihii ay lahaayeen dadkii deganaa tuulooyinkaasi.

Suldaan Max’ed Yuusuf (Abeeyle) oo kamid ah saalaadiinta Beesha Jareerweeyne ee Jubooyinka oo HOL u waramay ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo soo gaarayeen qoysas tiro badan oo ay waxyeelo kasoo gaareen fatahaadihii uu dhawaan sameeyay webiga Jubba.

Suldaanka ayaa sheegay in magaalada ay soo gaareen 435 qoys, isagoo intaa ku daray in qoysaskani ay u baahanyihiin in dib u dejin deg deg ah loo sameeyo, islamarkaana la siiyo teendhooyin iyo weliba walxaha kale ee lagama maarmkaanka u ah nolosha bini'aadamka.

“Qoysas badan ayaa soo gaaray magaalada, waxayna kusoo dul dageen qoysaskii hore u daganaa xerada Dalxiiska, xaaladoodana aad bay u liidataa waa dad ay hantidoodii fatahaadda webiga ku baaba’day una baahan in ay helaan kaalmo bini’aadanimo oo deg deg ah,” ayuu Suldaan Abeeyle hadalkiisii raaciyay.

Webiga Jubba ayaa dhawaan ku fatahay deegaano badan oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka J/hoose, waxayna fatahaaddaasi sababtay in dad badan ay ka barakacaan deegaanadooda, halka ay sidoo kale ay ku baaba’een dhul beereedyo aad u ballaaran oo qaarkood ku dhawaa gurasho.

..............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.