
Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa ka hadlay qaraxyadii dhawaan ka kala dhacay magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya iyo sidoo kale ammaanka guud ee dalkiisa.
Kenyatta ayaa sheegay in weerarrada ka dhacaya dalkiisa aysan ka joojin doonin howl-galka ciidamada Kenya ay kawadaan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi wuxuu ku sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay la dagaalamayaan Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin amni ka geystaan dalkiisa.
“Ciidamadeenna Soomaaliya jooga shaqada ay hayaan waa sugidda ammaanka dalalka Somalia iyo Kenya; mana naga joojinayso weerarrada ay Al-shabaab noo geysanayaan,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay.
Dadka aan muslimka ahayn ee Kenya ku nool ayuu ugu baaqay muslimiinta Kenya ku nool inaysan u qaadan inay dhibaateynayaan Kenya, isagoo xusay in Al-shabaab ay tahay koox doonaysa inay Kenya u kala qaybiso muslimiin iyo masiixiyiinta.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Rugo uu isna sheegay shalay oo Isniin ahayd in dowladda Kenya aysan hadda qorshaha ugu jirin inay kala baxdo Soomaaliya ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM.
Ruto ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay halkaas u joogaan sidii ay ammaanka Kenya u adkeyn lahaayeen, baaqyada ku aaddan in Kenya ay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliyana aysan ahayn kuwo ay dheg u dhigi doonaan.
Dhanka kale, xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya aysan marna ka baxayn halkaas oo ay ka shaqeynayaan ammaanka guud ee Soomaaliya.
Xisbiga mucaaradka ODM ayaa shalay oo Isniin ahayd ugu baaqay xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya, si ay u joogsadaan falalka ammaan-darro ee ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Kenya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya