4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo la filayo in uu dhawaan dib u furmo
Arbaco, May 21, 2014 (HOL) :- Wejigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa la filayaa in uu dhawaan dib u furmo, kadib mudo dheer oo uu hakad ku jiray, waxaana masuuliyiinta maamulka Jubba ay sheegeen in dib u dhacaasi ay keentay arimo dhanka farsamada ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta, biyaha iyo Bay'ada, Mudane Max'ed Nuur Buulle oo u waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in ay soconayaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan gudiga arimaha dib u heshiisiinta iyo odoyaasha dhaqanka Jubooyinka, dhawaanna la filayo in uu shirku furmo.

"Gudiga waxa ay wadaan kulamo ay la leeyihiin odoyaasha dhaqanka iyo madaxda Jubbaland. Tashiyadan markay soo dhamaadaanna dib ayuu u furmi doonaa shirku," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale, wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in ay socdaan shirar ku saabsan sidii loo dhisi lahaa baarlamanka maamulka Jubba, isagoo sheegay in arimahaasi ay meel wanaagsan marayaan.

"Ramadaanka ka hor waxaa la qorsheynayaa in la dhiso baarlamanka Jubbaland, hadana arimuhu meel wanaagsan ayay marayaan," ayuu masuulkan markale hadalkiisii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo wafdi ka socday IGAD oo dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo ay sheegeen in ay si dhow ula socon doonaan arimaha Jubooyinka tan iyo inta uu ka istaagayo maamulka KMG ah ee Jubba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya