4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Madaxda Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha oo Garoowe ku shiray (SAWIRRO)
Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe waxaa maanta ku shiray madaxda sare ee Maamulka Puntland, diblumaasiyiin ka socdey dalalka Soomaaliya daneeya iyo; xubno metelayey hay'ado iyo ururro caalami ah.

Shirka oo ay saxaafaddu dibadda ka joogtey, waxaa arrimihii lagu gorfeeyey kamid ahaa: kordhinta dhaqaalaha uu caalamku ku taageero Puntland, Barnaamijka Higsiga Cusub iyo weliba sidii Puntland gacan looga siin lahaa qorshe-horumarineed oo ay soo gudbisey, qorshahaas oo ku muddeysan shanta sano ee soo socota.

Madaxdii shirka maanta Garoowe ka dhacay ka qayb galay waxaa kamid ahaa: wufuud ka socotey Midowga Yurub, Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Bankiga Caalamka.

Waxaa sidoo kale shirka kasoo qayb galay safiirro iyo diblumaasiyiin dhowr ah oo metelayey dalalka:  Italy, France, Germany, Denmark, UAE, UK, Norway, Turkey iyo Sweden.

Dhanka Puntland, waxaa shirka uga qayb galay Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Camey iyo weliba xubno dhowr ah oo ka kala tirsanaa goleyaasha wasiirrada iyo baarlammaanka ee Puntland.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Shirku markii uu soo gaba gaboobey kaddib, ayaa waxaa si wadajir ah war-baahinta ula hadlay Madaxweynaha Puntland iyo Ergeyga Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d'Urso.

Madaxweynaha oo hadalka ku horreeyey ayaa si guud uga warbixiyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka diiradda lagu saaray, wuxuuna tilmaamay in badankoodu ay ahaayeen kuwo khuseeya sidii loo kordin lahaa taageerada uu caalamku siiyo Puntland iyo weliba barnaamijkii uu caalamku horay u ballan qaaday inuu Soomaaliya ku taageerayo ee Higsiga Cusub.

"waxaa kale oo looga hadlay shirka Baarnaamijka loogu magacdaray Higsiga Cusub, waxaan anagu dhankayaga sheegnay in aanan ka soo horjeedin barnaamijkaas laakin wixii aan ka qabney ayaan kala munaaqashoonay..." C/weli Gaas ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.

Mar uu ka hadlayey Madaxda Bankiga Aduunka oo markii ugu horreysey muddo toban sano ah booqashadii ugu horreysey ee Soomaaliya uu kusoo gaaro ku yimid Puntland, wuxuu ku tilmaamay guul iyo in caalamku uu xilligan si aad ah u daneynayo Puntland.

Gaas oo taas sharraxaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa: "Madaxdii Bankiga Aduunka ayaa maanta timi Soomaaliya gaar ahaan Puntland, mana imaan tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, waad garan kartaa marka muhiimmada ay beesha caalamka u leedahay Puntland..."

Dan-jire
Michele Cervone d'Urso oo ku hadlayey afka beesha caalamka ayaa isna sheegay in beesha caalamka ay ka go'an tahay inay si joogto ah ula shaqeyso Maamulka Puntland iyadoo la eegayo dhinacyada ay Puntland soo gudbisey in laga taageero.

Shirkani waa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Garoowe ka dhaca, laga soo bilaabo bishii Janaayo ee sanadkan, markaas oo lasoo doortay madaxweynaha Puntland ee xilligan C/weli Maxamed Cali Gaas.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya