4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Hal qof oo ku Geeriyooday Qarax xalay ka dhacay degmada Gaarisa ee Kenya

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday tiro kelna dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga dalkaas.

Taliyaha laanta dambi-baarista booliiska Kenya ee gobolka Waqooyi-bari, Musa Yego ayaa xaqiijiyay in hal qof uu qaraxan ku dhintay qaraxaas, kaasoo uu ku sheeegay inuu ahaa qofkii qaraxa watay, saxiibbadii la socdayna way dhaawac ayaa kasoo gaaray.

“Dambiilayaasha, waxaan uga shakisannahay inay ka mid ahaayeen xubnaha Al-shabaab, waxaana ay doonayeen inay qaraxaas la beegsadaan masjidka Ndogo ee magaalada Gaarisa,” ayuu yiri Musa Yego.

Wuxuu intaas ku daray: “Nasiib-wanaag intii aysan qaraxa la gaarin masjidka oo ay doonayeen inay ku tuuraan ayuu iyagii ku qarxay, waxayna noqdeen kuwo ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay.”

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in ciidamada booliiska ay si dhaqso ah ku gaareen goobta, ayna gacanta ku dhigeen qof ka mid ahaa kooxahaas oo si xun u dhaawacmay.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo weerar ay habeenkii Isniinta ahayd ku qaadeen Al-shabaab kolonyo gaadiid ah oo ay wateen booliiska Kenya ay ku dileen 12-sarkaal oo ciidamadaas ka mid ahaa ayna kexeysteen saddex ka mid ah gaadiidkii dagaal ee ay wateen.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya dhammaadkii 2011 waxaa dalkaas ka dhacayay qaraxyo, weerarro iyo dilal qorsheysna ay qaar ka mid ah mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya