4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Baardheere oo lagu Qabtay xaflad lagu Taageeray Horumarka Waxbarashada
Arbaco, May 21, 2014 (HOL) :- Munaasibad si heersare loo soo agaasimay, oo ay kasoo qeybgaleen boqollaal qof oo isugu jirtay, Waalidiin, odoyaal dhaqameed iyo Ardey ayay ujeedadeedu ahayd in lagu taageero horumarka waxbarashada diiniga ah ee ay mudooyinkii u danbeeyay ku talaabsatay degmada Baardheere, iyadoo si gaar ah loogu taageerayay madarasada Cumar bin Khadaab ee magaaladaasi.

Dadweeynihii ka hadlay munaasibadda ayaa bogaadiyay dadaalka macalimiinta wax ka barta Madarasada, iyagoo sheegay in culuumta lagu barto madarasadani ay tahay mid aad u ballaaran, iyagoo ku booriyay macalimiinta in ay laba jibaaraan dadaalkooda.

Bicir Dhoorre oo ka mid ah maamulka Madarasada islamarkaana lagu casuumay munaasibadda ayaa sheegay in madarasadooda ay imika wax ka bartaan ardey kor u dhaafeeysa 100, kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar, wuxuuna xusay in maadooyinka ay baraan ardeyda ay kamid tahay; taxfiidka qur’aanka kariimka, tafsiirka qur’aanka, barashada axaadiista, cilmiga fiqiga, taariikhda, barashada Kumbuyuutarka,  xisaabta iyo luuqadaha.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad iyo nabadoon Xuseen Cali Biixi oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in madarasadani ay wax weyn ka tartay deegaanka, islamarkaana ardeyda lagu baro diinta islaamka iyo anshaxa suubaan,  iyagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in had iyo jeerba ay ka qeybqaataan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, maadaama dalka Soomaaliya uu mudo dheer ku jiray burbur iyo dib u dhac.

Madaradan Cumar Binu Khadaab ayaa noqonaysa machadkii ugu horeeyey ee lagu barto shareecada islaamka oo laga  hirgeliyo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya