Arbaco, May 21, 2014 (HOL) :- Munaasibad si heersare loo soo agaasimay, oo ay kasoo qeybgaleen boqollaal qof oo isugu jirtay, Waalidiin, odoyaal dhaqameed iyo Ardey ayay ujeedadeedu ahayd in lagu taageero horumarka waxbarashada diiniga ah ee ay mudooyinkii u danbeeyay ku talaabsatay degmada Baardheere, iyadoo si gaar ah loogu taageerayay madarasada Cumar bin Khadaab ee magaaladaasi.
Dadweeynihii ka hadlay munaasibadda ayaa bogaadiyay dadaalka macalimiinta wax ka barta Madarasada, iyagoo sheegay in culuumta lagu barto madarasadani ay tahay mid aad u ballaaran, iyagoo ku booriyay macalimiinta in ay laba jibaaraan dadaalkooda.
Bicir Dhoorre oo ka mid ah maamulka Madarasada islamarkaana lagu casuumay munaasibadda ayaa sheegay in madarasadooda ay imika wax ka bartaan ardey kor u dhaafeeysa 100, kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar, wuxuuna xusay in maadooyinka ay baraan ardeyda ay kamid tahay; taxfiidka qur’aanka kariimka, tafsiirka qur’aanka, barashada axaadiista, cilmiga fiqiga, taariikhda, barashada Kumbuyuutarka, xisaabta iyo luuqadaha.
Nabadoon Faarax Hire Guhaad iyo nabadoon Xuseen Cali Biixi oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in madarasadani ay wax weyn ka tartay deegaanka, islamarkaana ardeyda lagu baro diinta islaamka iyo anshaxa suubaan, iyagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in had iyo jeerba ay ka qeybqaataan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, maadaama dalka Soomaaliya uu mudo dheer ku jiray burbur iyo dib u dhac.
Madaradan Cumar Binu Khadaab ayaa noqonaysa machadkii ugu horeeyey ee lagu barto shareecada islaamka oo laga hirgeliyo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Baardheere oo lagu Qabtay xaflad lagu Taageeray Horumarka Waxbarashada
More News
- Shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo la filayo in uu dhawaan dib u furmo
- Madaxda Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha oo Garoowe ku shiray (SAWIRRO)
- Hal qof oo ku Geeriyooday Qarax xalay ka dhacay degmada Gaarisa ee Kenya
- Qaraxyo ka dhacay Dalka Nigeria oo Sababay Dhimashada dad gaaraya 118
- Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyay sarkaal ku xukunaa xabsi daa’in
- Howl-gallo lagu Qab-qabtay tiro dad ah oo ka socda Magaalada Beledweyne
- Xildhibaannada ka baaqday kulammada baarlamaanka oo ganaax la dul-dhigay
- Ergayga Midowga Afrika oo Calaamka ka dalbaday in la Taageero Puntland
- Dowladda Uganda oo sheegtay inay deegaan cusub ka Qabsadeen Al-shabaab
- Shacabka Huriwaa oo ka cabanayo Amarro ka soo kala baxay Dowladda iyo...
- Danjire Nicholas Kay oo Muqdisho kula kulmay Madoobe Nuunow Maxamed
- Ciidan Somalia loogu soo Tababaray Dalka Uganda oo ku biiray Al-shabaab
- Ciidanka nabadsugida oo dilay wariye kaddib markii ay kala baxeen gurigiisa
- SHIIKH XASAN DAAHIR: Dalku wuxuu ku jiraa gumeysi waana mid qaybsan