4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Qaraxyo ka dhacay Dalka Nigeria oo Sababay Dhimashada dad gaaraya 118


Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 118-qof ayaa ku dhintay 56-qof oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo waaweyn oo shalay ka dhacay Jos oo ah magaalo ku taalla bartamaha dalka Nigeria.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay dhisme weyn oo magaaladaas ku yaalla xilli ay ciidamada ammaanka iyo kuwo kale oo caalami ah ka wadaan gudaha dalkaas howgallo lagu adkeynayo ammaanka.

Madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa si adag u cambaareeyay labada qarax ee khasaaraha badan geystay, isagoo ku tilmamaay kuwo looga soo hor-jeedo xorriyadda bani’aadamka, ayna geysteen kooxo uu ku tilmaamay fulayaal iyo shayaadiin.

“Xukuumadda Nigeria waxay ballanqaadaysaa inay fuliso ballan-qaadkeedii ahaa inay ka guuleysato argagaxisada… Weligeen kama baqi doono cadowga doonaya inay hor-istaagaan horumarka shacabka dalkan,” ayuu yiri Jonathan.

Sidoo kale, qarax kale oo Axaddii ka dhacay magaalada Kanu oo waqooyiga dalka Nigeria ku taalla ayaa lagu dilay afar qof, iyadoo qaraxyadan ay dhaliyeen su’aalo badan oo ku saabsan in xukuumaddu aysan awood u lahayn inay amniga  dalka xaqiijiso.

Goodluck Jonathan ayaa ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay u istaagaan sidii ay ku sugu lahaayeen nabadgalyada iyo hantida shacabka Nigeria, isagoo intaas ku daray inuu si adag uga soo horjeedo afduub ay kooxda Boko Haram ku haysato 200 oo gabdhood oo iskuulley ahaa.

Ciidammo caalami ah oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda dalalka Mareykanka, Faransiiska, Britain iyo Israa’iil ayaa qayb ka ah howlgallo lagu doonayo in lagu soo furto gabdhahaas oo 14-kii Abriil ee sannadkan laga afduubay iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla magaalada Chibok oo ku taalla waqooyi-bari Nigeria.

Saraakiisha ammaanka dalka Nigeria ayaa sheegay in qaraxyadan khasaaraha badan geystay lagu dhex-qariyay gaari kuwa xamuulka qaada ah iyo mid kale oo bas ah, kuwaasoo qarxay laba jeer oo isku xigta.

Afhayeen u hadlay dowladda hoose ee magaalada Jos ayaa sheegay in dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadan ay intooda badan yihiin haween, kuwaas oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaallada magaaladaas.

Kooxda Boko Haram oo inta badan qarxyada iyo weerarrada khasaaraha badani ka dhashaan ka geysata dalka Nigeria ayaa tan iyo sannadkii 2009 waxay sare u qaadeen weerarrada ay geysanayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya