4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Howl-gallo lagu Qab-qabtay tiro dad ah oo ka socda Magaalada Beledweyne

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan oo labadii cisho ee la soo dhaafay howlgal ballaaran ka waday qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne, ayaa soo xirray tiro dad ah oo la tuhusan yahay inay xiriir la leeyihiin xarrakada Al-shabaab.

Saraakiisha ammniga ee howlgalka qeybta ah ayaa sheegay in howlgalkan socda yahay mid salka ku haya macluumaad la helay, iyaga oo intaa ku darray in ciidamada gacanta ku soo dhigeen dhalinyarro la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Talaabada ay ciidamada qaadeen waxaa ay ka danbeysan macluumaad ama warbixin la hellay, waxaana lagu guuleystay in  la soo xirro dad la tuhusan yahay,’’ ayuu u sheegay HOL mid ka mid ah saraakiisha qeybta ka ah howlgalka ay ciidamada wadaan.

Waxaa uu sheegay sarkaalka u hadllay ciidamada howlgalka ku jira in dadka la soo xirray cid kasta oo aan danbi-laheyn marka la baarro kadib la sii deyn doono, laakiiin waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka hadda gacanta lagu hayo la soo qabtay kadib markii cadeymo la hellay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo dhawaan ka hadllayay munaasabadii 15-ka May ee lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in lla qaadi doono tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo nabad-galyada magaalada.

Inta badan dadka la soo xirray ama howlgalka lagu soo qab qabtay ayaa ah dhalinyarro qaarkood la sheegay in ay ka tirsanaayeen ardeyda wax ka barata dugsiyada magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya