4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Xildhibaannada ka baaqday kulammada baarlamaanka oo ganaax la dul-dhigay

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta sheegay in xildhibaannadii ka baaqday kulammadii golaha baarlamaanka Soomaaliya ay ganaax dul-dhigeen, kaddib markii uu baaqday kulan maanta codka kalsoonida ay xildhibaannadu uGu qaadi lahaa xeerka bankiga horumarinta Somalia.

Prof. Jawaari ayaa sheegay dib u dhaca ku yimaada ansixinta sharciyga la hor-keeno baarlamaanka waa maqnaashaha badan ee xildhibaannada baarlamaanka oo aan soo xaadirayn fadhiyada baarlamaanka.

“Walaalayaal tani waxay naga hoos marinaysaa matalaaddii shacabaka, qof ahaan iyo baarlamaan ahaan, haddii aad xilka gudan karin xildhibaan waxaa wanaagsan inaad xilka iska wareejisaa,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada fadhiyada badan ka maqnaa in ka badan toddoba fadhi ay bishiiba ka goynayaan mushaarkooda 600 oo doollar ayna u dirayaan guddiga anshax-marinta baarlamaanka Soomaaliya.

“Xildhiabannadii ka maqnaaday kulammada saddex maalmoodl, waxaan u diri doonnaa warqado digniin ah, kuwii toddoba maalmood maqnaadayna waxaan u diraynaa dingiin iyo ganaax, kuwii ka maqnaaday in ka badan toddoba cashana waxaan ka jaraynaa mushaarkooda ka jaraynaa bishiiba shan meelmood meel oo ah 600 oo doollar, waxaana u diraynaa anshax-marinta, haddii ay intaas ka badan sii maqnaadanna ganaax kale ayaan dul-dhigaynaa” ayuu ka sheegay Jawaari kulankii aan qabsoomin ee baarlamaanku uu maanta yeelan lahaa.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya dul-dhigo xildhibaannada kulammada baarlamaanka aan imaanin, iyadoo tani ay digniin u noqonayso xildhibaannada kulammada ka maqnaada.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay u gudbiyanaan heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Taliyaaniga oo shalay su’aalo laga weydiiyay wasiirka gaashaandhigga guddiga difaaca baarlamaanka, isagoo sheegay inay jawaab kaga sugayaan illaa Axadda soo socota.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in maalinta berri ah ay xildhibaannadu codka u qaadi doonaan xeerka bankiga horumarinta Somalia oo maanta codeyntiisu ay baaqatay, isagoo xildhibaannada ugu baaqay inay ka soo qaybgalaan kulanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya