4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Ciidanka nabadsugida oo dilay wariye kaddib markii ay kala baxeen gurigiisa

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda dowladda Somalia ee ku sugan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa dilay wariye ka howlgeli jiray idaacad ku taalla magaalada Kismaayo, kaddib markii ay kala baxeen gurigiisa.

Ehellada wariyeha la dilay oo lagu magacaabi jiray Farxaan Macallin Maxamuud ayaa u sheegay warbaahinta in ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda ay guriga kala baxeen wariyaha dorraad galab.

“Dorraad galab ayay ciidamada nabadsugiddu guriga noogu soo galeen, waxayna la baxeen Farxaan, dabadeedna way dileen. Waxayna noo diideen inay maydkiisa na siiyaan,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Cabdulle oo ay ehelo ahaayeen wariyaha.

Sidoo kale, Cabdulle ayaa sheegay in ciidamadu ay ku eedeeyeen wariyaha inuu la shaqeyn jiray Xarakada Al-shabaab, balse aysan iyagu waxba ka ogeyn arrintaas, ayna caddeyn karaan inuusan xiriir la lahayn kooxadaas.

Qaraabada marxuumkan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay sharciga marsiiso ciidamadii dowladda Soomaaliya ee sida sharci-darrada ah dilka ugu geystay wariyahan oo dhawaan ka yimid Kismaayo.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey, Aadan Maxamed Cumar oo warbaahintu ay wax ka weydiisay dhacdadan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ciidamada nabadsugiddu ay si bareer ah u dilaan wariye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya