4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
SHIIKH XASAN DAAHIR: Dalku wuxuu ku jiraa gumeysi waana mid qaybsan

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo 11-bilood ah u xiran dowladda Soomaaliya, ahaana hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam ayaa tan iyo markii la xiray jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay oo uu kaga hadlay xalaadda dalka uu haatan ku sugan yahay, isagoo eedeyn u jeediyay Al-shabaab.

Hoggaamiyahan oo haatan ku jira xabsi-guri ayaa sheegay in dalka uu weli ku jiro gumeysi, wuxuuna ka sheekeeyey hagankii gobonimada dalka loosoo maray, isagoo Al-shabaab oo uu ka tirsanaan jiray ku eedeeyay in xabbadoodu ay weli tahay mid kusoo jeeda shacabka Soomaaliyeed.

"Dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed waa iyagoo diintoodii laga fogeeyay lana kala qaybiyay oo la rabay in cadawgii laga fujiyo, iyagii la isku soo celiyo ayay aheyd, intii yarayd oo SYL ay keentay waxay ahayd in hal ummad ay noqoto lana fahamsiiyo diintooda iyo dantooda, waxaa mooddaa in dagaalkii cadowga lala dirirayay in shacabka lagu daray," ayuu yiri Sheekh Aweys.

"Waxaa dhacday in dadka oo dhan cadowga lagu daro, maantana aan jihaadkii la maqashiin karin, islaamiyiinta la maqashiin karin, cadowgiina ay gacal moodayaan, runtii ceebtaas weyn ayaa timid, waa ceeb weyn shabaabka ay sameeyeen, wax la qarin karo ma ahan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hoggaamiyihii Xisbul Islaam ayaa sidoo kale sheegay in wali Somalia ay gacanta ugu jirto cadow, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada Itoobiya oo uu xusay in dalka maamulo qabiilo ah ay u kala qeybisay, isla markaana maamul walba uu iyada u tagayo, lana soo shirayo.

"Soomaaliya weli cadow baa heysta, Itoobiya ayaa haysata, kuwo iyaga la mid ah ayaa haysta, sidaa daraaadeed dad la haysto ayaan nahay, gumeysigii waa soo noqday isagoo kii ka xun, ka badan oo waliba si caalami u shaqeynaya, waagii hore cadowgu dowlad ahaan ayuu u duuli jiray oo meel walba u qabsan jiray, laakiinse hadda kuligood inta isu tageen ayay kuwii qabaanada u ahaa gacanta noo geliyeen, hadda waxaa nagu soo socota 01-da Luuliyo oo gobonimada dalka loo dabaal-degi doono dalkiinna waa la haystaa, maxaa loo dabaal-degaa gobonimo," Sheekhku ku daray hadalkiisa.

Mar uu soo hadal qaaday maamullada gobollada laga dhisayo ayuu sheegay in qabiil kasta oo Soomaaliya ku nool uu dowlad noqday, isagoo ku tilmaamay taas khatar weyn oo kusoo socota dalka.

"Dalka gobol-gobol ayaa loo qaybiyay, gobol walba Itoobiya ayuu ku xiran yahay; haddii ay tahay Puntland waxay ku xiran tahay Itoobiya, sidoo kale Somaliland iyana waxay ku xiran tahay Itoobiya, Jubbaland waa sidoo kale, mid walbana wuu u dhuumayaan wuxuuna moodayaa gacal. Kuwa Muqdisho iyaguna si aad ah ayay ugu xiran yihiin Itoobiya, sida hadda dhacday markay is-qabtaan Itoobiya ayay u kala ordi jireen. arrintaas waa arrin khatar ah,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Hoggaamiyahan ayaa u muuqda mid uusan weli mowqifkiisu isbedelin, isagoo tan iyo bishii Juun ee sannadkii hore gacanta ugu jiray dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu kasoo baxsaday degmada Baraawe oo ay ka dhaceen dagaallo isaga iyo xubno ay isku fikir yihiin iyo saraakiisha Al-shabaab dhexmaray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya