4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Kulan looga hadlayo dhibaatooyinka Xag-jirnimada oo ka furmay Dalka Jabuuti

Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayo xag-jirnimada oo ay ka qaybgalayaan culummada dalalka Geeska Afrika ayaa shalay oo Isniin ahayd ka furay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, iyadoo culummada kulankan ka qayb-galaysa ay sheegeen inay si wanaagsan u daraaseyn doonaan xag-jirnimada.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa hadal ka jeediyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka diinta iyo owqaafta dalkaas, Aadan Xasan Aadan, iyagoo mashaa’ikhda ka dalbaday inay soo saaraan bayaan looga hortagayo xag-jirnimada.

“Sida aad la socotaan diinta Islaamku waxay Geeska Afrika soo gashay intii aysan gaarin magaalada barakeysan ee Madiina Al-munawara, waxayna dadka gobolku ku guuleysteen inay muddo dheer ku fara-adaygeen diintooda, iyadoo is nabad-galyo ah u wada noolaa xilli fog, waxaana loo baahan yahay in la adkeeyo taas,” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti oo khudbad ka jeedinayay furitaanka shirka.

Sidoo kale, Geelle wuxuu sheegay in dhibaatooyinka xag-jirnimada iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah ay baabi’iyeen waxyaabihii ay ummadahaas rajeynaysay inay gaarto.

“Alle wuxuu Qur’aankiisa Kariimka ah ku leeyahay; Qofkii naf gooya ama dhulka ku faafiya xumaan, wuxuu la mid yahay qof dadka caalamka ku nool oo dhan laayay. Sidaa awgeed xag-jirnimada diinta ee ka jirta gobolka waa mid dhibaato weyn ku noqotay mustaqbalka gobolka, taasoo burburisay il-baxnimadii wanaagsanayd ee ay lahaayeen dadka Geeska Afrika, waxayna baabi’isay naxariistii iyo nabaddii ay kuwda noolaayeen,” ayuu madaxweynaha Jabuuti ku yiri khudbada uu jeediyay.

Geelle ayaa ka dalbaday culummada kulanka ka qayb-galaysa inay soo saaraan dariiq wanaagsan oo looga bixi karo xag-jirnimada iyo fikradaha ka dambeeya, isagoo xusay inay dhibaatada xag-jirnimadu tahay mid gobolka oo dhan saameyn ku yeelatay.

“Waxaan idinka doonaynaa culummo inaad daraasad qoto-dheer ku sameysaan sababaha keenay xag-jirnimada, taasoo nabadgalyada shucuubta ku nool gobolka baani’inaysa haddaan wax laga qaban,” ayuu yiri Geelle.

Dhanka kale, waxaa hadalay wasiirka diinta iyo owqaafta Jabuuti, Aadan Xasan oo sheegay in culummada kulanka kasoo qayb-galay ay uga fadhiyaan inay keenaan xal-waara oo looga gudbi karo xag-jirnimada, isagoo u mahadceliyay culummada kulanka ka qayb-galaysa oo dalalka gobolka oo dhan ka socda.

Ugu dambeyn, Sheekh Axmed Xasan Al-Qudubi iyo Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cali Jowhar oo magaca Somalia uga qayb-galaya kulanka ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay daraasad qoto-dheer ugu sameyn lahaayeen xag-jirnimada iyo sidii loo baabi’in lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya