4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Kulan dhex-maray Safiirka Imaaradka Carabta Soomaaliya iyo C/weli Gaas


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta lagu soo dhaweeyay danjiraha dowladda Imaaradka Carabta u jooga Somalia, Maxamed Al-Cutmani iyo ku xigeenkiisa Xuseen Darwiish.

Waftigan waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland sida wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, Cali Axmed Faatax, maamulka gobolka Nugaal, qaar ka mid ah shacabka Garoowe iyo saraakil katirsan madaxtooyada Puntland.

Danjire Maxamed Al-Cutmani ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Garoowe, wuxuu gacan-qaaday dhammaan dadkii soo dhawayay, intaasi kaddib waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisa, C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa madaxtooyada Puntland si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay wadigan ka socday Imaaraadka Carabta.

“Xukuumadda cusub ballan-qaadkeedu wuxuu ahaa in Puntland ay u furan tahay soo dhawaynta cid kasta oo na taageeraysa, isla markaana ay imaan karaan maal-gashi kasta oo ay ku sameysanayaanna waan soo dhaweynaynaa,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale, Gaas ayaa caddeeyay in Puntland iyo dalka imaaraadka Carabta ay leeyihiin xiriir ganacsi oo aad u dhow iyo mid dublumaasiyadeed oo qoto dheer. “Barri danjiruhu wuxuu ka qayb-galayaa shir Puntland iyo beesha caalamka uga furmaya Garoowe, aad baana ugu faraxsanahay imaatinkiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjire Maxmaed Al-Cuthmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Puntland, isagoo sheegay in mar walba ay ka go’an tahay sii wadidda xiriirka wanagasan ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka.

Toddobaadka ugu horreeya bisha Juun ee soo socota ayaa madaxwayne Gaas wuxuu booqan doonaa dalka Imaaraadka Carabta, isagoona marti qaad rasmi ah ka helay dowladdaas.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Soomaaliya