4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Xaalad nololeed oo aad u daran ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Bakool

Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Xaalado nololeed oo aad u daran ayaa lasoo sheegayaa inay ka jiraan deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, waxaana la sheegay in dadka qaarkood gaajo awgood la is-taajinayo, iyadoo mas’uuliyiin maamulka gobolka Bakool ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay gargaar deg-deg ah lasoo gaarto.

Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall oo la hadlayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in haddii 24-saac gudahood aysan dadka ku nool degmooyinka Xudur iyo Ceel-barde aysan helin gargaar deg-deg ah ay dhacayso in dadka qaarkood ay gaajo u dhintaan.

“Magaalooyinka Xudur iyo Ceel-barde waxaa ka jira xaalado nololeed oo aaad u daran, waayo deegaannada gobolka ee Al-shabaab laga saaray dhammaantood waa kuwo ay u diideen inay gaadiidka raashinka wada galaan, taas ayaana kasii dartay xaaladda,” ayuu yiri Tall.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladdu ay horay ugu soo wargeliysa inay u soo dirtay gobolka  gaadiid gargaar sida, balse aysan weli soo gaarin, kuwaasoo uu xusay inay weli soo dhaafi la'yihiin inta u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Isagoo sii hadlaya guddoomiyaha Bakool ayuu sheegay in dadka ku nool degmada Xudur ay aad ugu daran tahay xaaladda nololeed ee ka jirta gobolka, isagoo intaas raaciyay inay carruurta iyo waayeelka yihiin kuwa ay saameynta ugu xooggan ku yeelatay xaaladda ka jirta gobolka.

Goobjooge ku sugan degmada Xudur ayaa isaguna xusay inaysan jirin cunno-timaadda degmada, isagoo sheegay in gaadiid iyo kareetooyinka loo diiday inay gudaha u galaan degmada, xalaadduna ay tahay mid aan laga sheekeyn karin.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Ceel-barde, C/qaadir Caweel Cumar oo la hadlayay VOA-da ayaa isagana sheegay in degmadaas ay ka jiraan xaalado aad u daran oo dhinaca nolosha ah, isagoo xusay in biyo la’aantu aad u daran tahay.

“Ceel-barde dad badan oo kasoo cararay dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso ayaa soo gaaray, waxaana xaaladda ugu daran ee jirta ay tahay dhinaca biyaha, iyadoo dadka degmada ku nool oo dhan ay ceel keliya biyaha ka dhaansadaan,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceel-barde.

Ugu dambeyn, Caweel ayaa dowladda ugu baaqay inay dadka gobolka Bakool la soo gaarto gargaar dhaqso ah, isagoo xusay in madaxda dowladda looga bahaan yahay inay u dhego-nuglaato codsiyada ka imaanaya shacabka gobolka Bakool, si la mid ah sidii ay ugu dhego-nuglayd wax u qabashada dadkii waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadihii Shabeellada Dhexe iyo duufaantii ku dhufatay Puntland.

Hadalka mas’uuliyiinta gobolka Bakool ayaa kusoo beegmaya iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in malaayiin qof oo caruur u badan ay haystaan xaalado nololeed oo aad u daran, haddii xilliga roobabka ay si wanaagsan u di’I waayaan illaa horraanta bisha Juunna laga yaabo inay abaar la mid ah tii dalka Somalia ka 2011-kii ay dhici karto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya