4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Qaybtii afaraad Soomaali laga soo celiyay dalka Kenya oo la keenay Muqdisho


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Qaybtii afaraad muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Kenya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadkan oo tiradoodu ay ka badnayd 80-qof ayaa waxay in muddo badan ku xirnaa xabsiga garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi iyo xabsiyo kale oo Nairobi ku yaalla.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga soo celiyay Kenya ayaa waxaa ku jiray 16 ruux oo caruur ah, iyadoo inta kale ay ahaayeen dhallinyaro haween iyo rag ah iyo dad waayeel ah.

“Waxaa maanta lagu soo celiyay Muqdisho dad kale oo laga keenay dalka Kenya, waxay isugu jireen dhallinyaro, carruur iyo waayeel, waxaana garoonka Jommo Kenyatta uga soo tagtay 19-qof oo diyaaraddu ay qaadi wayday,” ayuu danjire Maxamed Cali Ameerika oo dadkan la socday u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen kuwo sharci-darro ku joogay dalka Kenya oo lagu qabqabtay howlgallada ka socda Nairobi, isagoo ku daray hadalkiisa in dowladda Kenya ay kala hadleen inay dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee ay howlgallada ku qabqabtaan.

“Weli howlgalladu Nairobi way ka socdaan, waxaana innagu ognahay illaa xalay in 19-qof oo Soomaali ah ay weli ku jiraan xabsiyada dalka Kenya, waxaana ku dadaalaynaa in dadkaas dib loogu soo celiyo Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku yiri danjire Ameerika.

Dadkan Soomaaliyeed ee laga keenay Kenya ayaa markii ay kasoo dagayeen diyaaradda waxaa qaarkood wajiyadooda laga dareemayay inay ku faraxsan yihiin inay dalkooda kusoo laabtaan intii ay ku jiri lahaayeen xabsiyada Kenya.

Mid ka mid ah dadkan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu markii hore ka yimid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayna qabteen ciidanka amniga Kenya, kuwaasoo u sheegay inay dib ugu celiyaan Muqdisho, isagoo xusay inuu aad ugu farxay in Muqdisho lagu soo celiyo si uu ehelladiisa u booqdo.

Qaar ka mid ah maxaabiistan maanta lagu soo celiyay magaalada Muqdisho ayaa waxaa dorraad xabsiga garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ku booqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika, kaddib markii ay cunnada ka soomeen iyagoo dalbanaya in Soomaaliya lagu celiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay dadkan oo reer Muqdisho keliya ahayn ay dib ugu celiso deegaannadoodii, waxaana dadka ay Kenya Soomaaliya kusoo celisay ay cel-celis ahaan gaarayaan ku dhawaad 250-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya